gabileymedia.com
Tababare Antonio Conte Oo Wax Laga Waydiiyay Suurtogalnimada Ay Kooxdiisa Chelsea Ciyaartoy Kula Soo Wareegi Karto Suuqa Bishan January.
January 3, 2017 - Written by media news

HR,GMN,Tababaraha kooxda Chelsea ee Antonio Conte ayaa qabtay shirkiisa jaraa’id ee ka horeeya kulanka London Derby ee ay kooxdiisa Blues martida u noqon doonto Tottenham waxaana Conte la waydiiyay suurtogalnimada ay kooxdiisa Chelsea kula soo saxiixan karto ciyaartoy cusub suuqa bisha bisha January.

Antonio Conte ayaa xaqiijiyay in haddii ay helaan ciyaartoyda ay boosaska qaar uga baahan yihiin in ay la soo saxiixan doonaan maadaama oo uu xili ciyaareedku yahay mid dheer. Chelsea ayaa White Hart Lane ku booqan doonta kooxda Spurs iyaga oo doonaya in ay soo gaadhaan guushoodii 14 aad oo xidhiidh ah.

Atonio Conte oo ka jawaabaya suuqa kala iibsiga iyo kooxdiisa Chelsea ayaa yidhi: “Su’aashan suuqa kala iibsiga ku saabsan, waxaa muhiim ah in aan kooxdayda kala hadlo, maya?.Waa hubaal in ay jiraan boosaska qaar oo haddii aanu helno xalka ku haboon ay muhiim tahay in aanu xal fiican qaadano. Horyaalkani wuu dheeryayay waana muhiim”.

Antonio Conte oo hadalkiisa sii wata kana hadalaya sida uu suuqa bisha January u adag yahay ayaa yidhi: “Waxaan sidoo kale ogahay adayga suuqa bisha January si aad u hesho xalka saxda ah iyo ciyaartoyga saxda ah. Wax sahlan ma noqon doonto, laakiin hubaashii waanu ka hadlaynaa tan”.

Ugu danbayn Conte ayaa hadalkiisa raaciyay: “Laakiin anigu ma jecli in aan ka hadlo ciyaartoyda, haddana waxaanu la ciyaaraynaa koox kale, waxaan filayaa in ay tahay ixtiraamka ciyaartoyga iyo sidoo kale kooxaha”. Chelsea ayaa xidigo badan lala xidhiidhinayaa waxaana soo baxay war sheegaya in Blues ay Gunners ku garaacayso saxiixa difaaca Wolfsburg ee Ricardo Rodriguez.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews