gabileymedia.com
Xulka Qaranka Burkina Faso Oo Noqday Xulkii Ugu Horeeyay Ee U Soo Baxay Afar Dhamaadka Koobka Qaramada Afrika Iyaga Oo Guuldaro Gadhka U Galiyay Tunisia.
January 28, 2017 - Written by media

HR (GMN) Xulka qaranka Burkina Faso ayaa noqday xulka qaranka ugu horeeya ee iska xaadiriyay afar dhamadka tartanka qaramada Afrika ee ka socda dalka Gabon kadib markii ay 2:0 ku garaaceen dalka waqoojiyaga Afriaka ka socday ee Tunisa. Xulka qaranka Burkina Faso oo sanadkan wacdaro kala soo muuqday tartanka qaramada Afrika ee AFCON 2017 ayaa Tunisa ka cidhibtiray tartankan kadib markii ay Tunisia awoodi wayday in ay u babacdhigi karto Burkina Faso.

Kulankan ayaa ahaa kulan laysla rafaaday isla markaana ay labada xul qaran waqti danbe iskula gaadheen gool la’aan laakiin Burkina Faso ayaa Tunisa qalbi jabisay dhamaadkii kuklankan kadib markii ay heleen laba gool oo deg deg ah.

DAQIIQADII 81 AAD ayuu xulka qaranka Burkino Faso helay goolka furitaanka u ahaa kulankan waxaana Tunisia dhibaato wayn ku abuuray Aristide Bance kaas oo Burkino Faso u saxiixay goolka ay talaabo sare ugu qaadeen in ay boos ka helaan afar dhamaadka koobka qaramada Afrika wuxuuna Bance ciyaarta ka dhigay 1:0 uu xulka qaranka Burkina Faso hogaanka ciyaarta kula wareegay.

DAQIIQADII 85 AAD oo ah afar daqiiqo oo kaliya kadib markii ay Burkino Faso meesha ka saartay ismari waagii ciyaarayay ayay markale heleen goolka ay si deg deg ah julbaha dhulka ugu saareen xulka qaranka Tunisia, waxaana Burkino Faso wareega afar dhamaadka koobka qaramada Afrika u xaqiijiyay Prejuce Nakoulma kaas oo ciyaarta ka dhigay 2:0 ay Burkino Faso hogaanka ciyaarta si deg deg ah ugu dheeraysatay.

Xulka qaranka Tunisa oo shaqo adag soo qabtay intii ugu badnayd ee ciyaarta ayaa ugu danbayn jawaab u waayay qaabkii ay Burkino Faso shabaqooda kaga sii ilaalin lahaayeen, waxayna ciyaartu ku dhamaatay 2:0 ay Burkino Faso dhinac iskaga dhigtay Tunisia isla markaana ay ku noqdeen xulkii ugu horeeyay ee u soo baxay afar dhamaadka AFCON.

Waxaa kulanka 10:00 Saacada Geeska Afrika bilaamaya iskaga hor imanaya xulalka qaramada Senegal iyo Cameroon waxaanad shaxdooda kaga bogan kartaa halkan hoose:

Qore maxmed yare

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews