gabileymedia.com
SHEEKO GAABAN. … Maxamed Maxamud Axmed ( Arts )
February 7, 2017 - Written by media news
Odaygii ayaa intuu kacay Caws meel yaalay soo qaaday oo ula soo dhaqaaqay xagii adhiga, Misena way kusoo yaaceenba. Adhiga oo lagu xanto

Bari waxa la yidhi  “ laba nin ayaa isu maalin, iyo waliba  isku saacad soo wada doontay  gabadh.
odaygii  inanta dhalay ayaa si uu labadan nin midkood u siiyo gabadhiisa shardi ku xidhay, oo ninkii fuliya shardigaasi uu gabadha siin doono.

… Odaygu wuxuu lahaa adhi badan.
wuxuu shardi ka dhigay .. ninkii adhigaa dhargiya inuu leeyahay gabadha.
. labadii nin midkood ayaa kexeeyay  adhigii  isla malintii xigtayba, wuxuu geeyay meel barwaaqo ah oo uu soo sahamiyay  oo  baad iyo biyoba leh.
kadib makhribkii  ayuu keenay adhigii , odaygii oo ardaaga ku sii sugayay. Ayaa ninkii waydiiyay maad soo dhargisay adhiga ? … ninkiina wuxuu ugu jawaabay , Haa!!<br< span=””>

/>Odaygii ayaa intuu kacay Caws meel yaalay soo qaaday oo ula soo dhaqaaqay xagii adhiga, Misena way kusoo yaaceenba.  Adhiga oo lagu xanto in aanay dhargin, ninkii ayay fashiliyeen.
Odaygii ayaa ku yidhi … Haye adeer ‘  waad aragtaayee “ iska soco adigu’ oo bari  xiligan oo kale ii kaalay.

Ninkii kale ayaa yimid maalintii xigtay. Wuu kaxeeyay adhigii.
inyar markuu ka fogaaday reerkii ayuu adhigii Ul ku bilaabay, hadba dhinac ayuu u eryaday, maalintii oo dhan ayuu adhigii hadba dhinac u toocinayay.
makhribkii ayuu keenay reerki oo ninkii kalena sugayo natiijada.
adhigii manta oo dhan la eryanayay way daal dhaceen oo neef kastaa meel gooniya ayuu fadhiistay.

Odaygii ayaa sidii shalay oo kale caws usoo qaaday xagii adhiga ayuu ula soo dhaqaaqay.
iska daa inay ku ordaanee xataa way eegi kari waayeen.

Odaygii  ninkii hore ayuu ku qanciyay inay adhigu manta soo dhargeen  oo  ay fadhiisteen, wuxuuna ku qanciyay in gabadha uu hantiyay ninkaa adhiga fadhiisiyay.
Ninkiina wuu aqbalay. In laga guulaystay.

Hadaba Dulucda sheekadu waa sidan.

Somaliland baryahan waxa ka jiray sixir barar,  saameeyay hoos u dhaca Shilinka Somaliland iyo Meceeshada oo kor u kacday. Ok

dawlada oo aan Odayga uga jeedo. Laba dhinac ayay xal ka eegtay

1 – Shirkadaha ( Telesom , iyo Somtel ) oo ay ku eedeeyeen inay shilnka qiimo dhac ku sameeyeen.
Dabcan wax way ka jiraan, oo manta hadad ugu yaraan suun ka soo iibso is tidhaa bacadlaha wuxuu ku odhanayaa waa intaas oo Dollar.
halkii ay ka ahayd inuu ku yidhaa waa intaas oo shilin. Oo qofkii aan sidan Shilinka ay ku yidhaahdaan waa intaas oo Dollar.
midaasina waxay ahayd in shirkadaha laga dhaadhiciyo in ay qiimaha shilinka kor u qaadaan, wayo? Somaliland maaha Gobol kamida America. Markaad u fiirsato habka ay lacagtiisu ganacsigeena u dhex gashay.
waa wax laga dhiidhiyo dawladana waan ku hanbalyeenayaa.
2 – Qanacsatada maceeshada, khasatan kuwa meceeshada  aasaasiga (needs)  iibiya, sida Sonkorta , bariiska, daqiiqda, iyo saliida.  Waxay saamayn ku yeesheen koru kaca meceeshada, iyagoo sobob uga dhigay in Dollarku kacay. Ok

Markuu Dollarii ku jabay amar Dawladeed’  waxay kaga  hadheen halkii uu gaadhay  ee ugu saraysay oo maceeshadii ayay kash ku badaleen.

Hadaba aan is barbar dhigno labadii nin ee Inanta Odayga kazoo wada doontay hal mar

1 – ninka xoolaha soo dhargiyay waxan ku matalay shirkadaha.
– wayo , shirkaduhu lacag ma sarifaan ee waabay fududeeyeen adegsigeedii, ahaa Kaydin, dirid, ku iibin, ku iibsasho, ku shubasho, iyo faa’iidooyin kaleba. Runtiina way dadaaleen. Dalka in ay wax yeelaan kamay ahayn, xataa wax tarka iyo taakulaynta iyagaaba hormood ka ah.

2 – ninka xoolaha soo daaliyay ee la moodayay inuu soo dhargiyay waa ganacsatada, odayguna wuu ogyahay, in adhiga la soo daaliyay ee aan lasoo dhargin,
– wayo, ganacsatada kharashkii ay alaabta kusoo iibsaden ( expenses ) ma wuxuu ahaa Kash, mise Dollar,
…. Haduu kaash aha maxay kor ugu qaadeen meceeshada markuu dollar kacay, maxayse usoo jabin waayeen markuu jabay ?

Odayga oo aan ku matalnay Dawladu .. way ogtahay oo way kontroli kartaa maceeshada iyada oo ka fiirinaysa cida soo dejisa raashinka (purchasing price ) qiimaha laga soo siiyay per Kg, kadib waxay amar ku siin karta inta uu dib ugu iibinayo, ( selling price ) iyo laga jarayo Cashuurta iyo transporting , kadina loo gooyo qiime go’an oo muwaadinka ganacsadaha ahina si xalaal ah uga macaasho masaakiintuna ula qabsadaan.
… bari waxa la yidhi Jeel ay ku xidhnaayeen dad Muslim iyo Gaalo isugu jira’ ayaa malinta Axada Xoolo loo qali jiray dadka Kristanka ah,
halka dadka Muslimiintana maalinta Jimcaha loo qali jiray xoolaha.
…. Kadib nin ayaa labada cishoba lagu arki jiray isagoo Hilibka eryanaya, markaas ayaa lagu yidhi..” waar adigu diintee baad haysataa..?
markaasuu ku jawaabay “ hadba diinta Hilibka leh….

hadaba miyaanay ganacsatadeenu shabihin sidaa, kol hadiiba ay marna Doolar, Marna Kaash wax kaaga iibinayaa,,…. Waa hadba lacagta saraysa……

ugu danbayn waxan u soo koobi lahaa hadal kayga , isu buubni Dawlad, Shacab Shirkado iyo Ganacsataba, aan u ilaashano Shilinka qarankeena oo aan isaga ku adeegsano.
xogaa ganacsataduna ha iga raali ahaadaan inta aan la kaftamay .
Wa bilaahi Tawfiiq.
Maxamed Maxamud Axmed ( Arts )
Gabiley Somaliland

Maxamedarts1@gmail.com
+252 63 4466498
+252  65 9875050

*********************************************************************

Gabileymedianews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Gabileymedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews