gabileymedia.com
Shirkada SO! Ltd Oo Wax Weyn Ka Bedeshay Baahida Internet Ee Somaliland . Warbixin Miyir Cali Xuseen
February 13, 2017 - Written by media news

HR.(GMN)Shirkada isgaadhsiinta dhinaca internetka ee SO! Ltd ayaa dalka Somaliland  ku soo kordhisay internet-ka xawaarihiisu aadka u sareeyo ee Fibre Optic-ga  kaasi oo bulshada isticmaashaa ay aad u mahadiyeen uguna bogeen, Iyagoo ku tilmaamay in shirkadani dabooshay baahidi bulshadu u qabtay internet-ka  ee dhinacyada shaqada iyo isticmaalka gaarka ah,Iyagoo isla markaan   ku sifeeyey dawadii net-ka in uu yahay Fibre-Optic-gu oo uu daaweeyay dhamaan baahidii loo qabay internet-ka aan goo’ga lahayn kaasi oo isla markaasina qaadi kara macaluumaad badan, isagoo xaawarihiisuna uu aad dheeraynayo .

soogasho3

Goobaha isticimaala internet ka shirkada SO! Ltd  ayaa waxa ka mida ah meheradaha ganacasiga ee caasimada Hargeysa, Haayadaha caalamigaa ee dalka ka hawlgala, Haayada Dawalada sida, Wasaaraddaha,Xarumaha waa-weyn ee Warbaahinta dalka oo iyagu si gaar ah ugu diirsaday adeegyada hufan ee dhinaca Internetka shirkada SO! Ltd

Sidoo kale shirkada SO! Ltd  waxa ay hada si rasmiya u bilowday inay Guryaha caadiga ah u xidho xadhiga Fibre Optic-ga oo xawaarihiisu aad u sareeyo  kaas oo ay shirkadu ka bilowday Xaafadaha Waqooyiga iyo Galbeedka Caasimada Hargeysa iyadoo isla markaasina hada si rasmiya ay ugu bilaabeen Guryaha Degmada Ibraahim Kood-buur  oo hada xadhiga Fibre- Optic-ga guryaha uu diyaar ku yahay isagoo dhawaana uu  wada gaadhi dooni caasimada Hargeysa,Taaso oo   imika uu shaqadiisu ka socoto.

Guud ahaan noocoyada kale duwan ee intarnet-ka ay shirkada SO! Ltd bixiso ayaa laga isticimaala caasimada iyo magaaloyinka Galbeedka Somaliland sida Borama,Gabilay,Wajale iyo Arabiyo iyadoo shirkaduna dhamaan magalooyinkaas ay xarumo ku leedahay  oo dhamaan adeegyada internetka SO! so gasho laga isticmaalo.

Dhinaca kale waxa  uu dhawaan xadhiga fibre optic-ga ku sii socdaa Gobolada Bariga Somaliland iyada oo waqti aan dheerayn uu xadhigu gaadhi-doono Gobalka Saaxil oo  daaha laga rogi doono xarumahii shirkada ee  bulshada loogu adeegi lahaa, Xadhiga Fibre Optic-ga shirkada SO! Ltd oo xawaara dheer jaraayey mudooyinkii u danbeeyey isla markaana iskaga kala gud-bay Gobolada Galbeedka iyo Bariga Somaliland ayaa hada sidoo kale gaadhay Gobolka Daadmadheedh xaruntiisa Oodweyne oo isna dhawaan laga hirgalin-doono adeegyada casriga ah ee Interner-ka shirkada SO! Ltd ,Xadhiga ayaa sidoo kale waxa isna ku xigi-doona oo dhawaan  khadku gaadhidoonaa Gobalka Togdheerna oo hada oo uu hada kaabiga u saaran yahay iyadoo uu sidaasi ugu sii socon doono dhamaan Gobolada kale ee Somaliland ee baahida weyn u qaba adeegyada shirkadani SO! Ltd  ku diirisay Bulshada reer Somaliland guud ahaanteed-ba

soogashi

Shirkada SO! Ltd  oo imika masaafo dheer jiiday xadhigeeda Fibre Optic-ga ayaa dhinaca kale waxa ay dalka Somaliland Galbeed ilaa bari deegaan kasta oo xadhigeedu maro ka fulisaa mashaariic horumarineed oo ay kaga qayb-qaadanayso horumarinta adeegyada aas-aasiga ah ee Bulshada Somaliland ,Mashaariicda la taaban karo ee shirkada SO! Ltd ilaa hada ka fulisay Gobolada kala duwan ee xadhigeedu maray ayaa waxa kamida Banaynta iyo samaynta Jidad muhiima oo bulshada deegaanadaasi baahi weyn u qabay ,Baliyo iyo dhaamam waa-weyn oo ay u samaysay deeganadani ay shirkadu martay iyadoo sidoo kale ka qayb-qaadatay mashaariic fara badan oo ay dadweynaha deegaanadani wadeen oo ay mid walba qayb laxaadle ka qaadatay,

Dhinaca kale Shirkada SO! Ltd  waxa ay si wayn uga qaybqaadataa kobcinta bulshada ee dhinacayada kaabayaasha dhaqaalaha iyo shaqo abuurka dhalinyarada waxaanay si weyn uga qaybqaadatay abaaraha ba’an ee dalka ka jira, Iyadoo sidoo kale  dhiirigalisa dhalinta ciyaaraha oo ay tartamo iyo qalabka ciyaaraha ugu deeqdo,

Shirkada SO! Ltd waxa ay door libaax ka qaadatay ciyaarihii Gobalada Somaliland  ee ugu dambeeyay oo bulashadu ku raaxaysatay muuqaaladii quruxuda badnaa ee TV-yada ka baxay  ee lagu gudbinayay internet ka xawaaraha badan ee fibre optic-ga Shirkada SO! Ltd  .

Sidoo kale Shirkada Isgaadhsiinta Casriga ah ee SO! so gasho waxa ay dhamaan dhalinyarada reer Somaaliland ee wax-barta ay ka caawisay dhinaca internetka iyadoo u jabisay qiimaha bishii ee MIFI ee adiga 4G-ga oo ay uga dhigtay $15,Taasi oo u saamaxday inay si fudud qiimahaas jaban ugu adeegsadaan wax barashadooda  dhamaan ardayda waxka barta Jaamacadaha Dalka, Dugsiyada sare iyo kuwa dhaxe-ba iyo dhamaan ardayda dhigta goobaha waxbarasho,Arintan ayaa ah fikir shirkadu ku dhiiri galinayso waxabrashada dalka si ardaydu macluumadka internet-ka kaga xidhma si dhibyar ugu helaan,

Dhinaca kale mar aan u kuurgalay adeegyada la sugayey ee shirkady soo wada ayaa waxa ay ii sheegeen Masuuliyiinta sarre ee Shirkada SO! Ltd inay dhawaan  soo kordhinayaan adeega TV-yada ee IPTV  kaasi oo la-socoda fibre optic-ga, Isla markaana dhawaan caasimada Hargeysa lagu isticimaali doono Super-Wi-Fi oo ah wireless caasimada Hargeysa dhamaan ay wada isticimaali doonto oo qofkastaa hawada ka helayo wireless ka shirkada SO! Ltd.

Hadaba Macmiil la jaanqaad aduunka casriga ah oo booqo xarumaha shirkada SO! Ltd kuleedahay  si aad uga hesho internet xawaare sareeyo.

Isku soo wada duuboo Shirkada SO! Ltd ayaa kaalin muuqata ka qaadatay hanaankii horu-socodka iyo horumarka Somaliland taasi oo taariikhda ku galidoonta adeegyada hufan ee dadweynu baahida weyn u qabay ee ay dalka iyo dadkaba usoo kordhisay

Wariye Miyir Cali Xuseen

Moble:0634046313

miyircali@gmail.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews