gabileymedia.com
Faaqidaada Iyo Falanqaynta Khudbad-sanadeedka Madaxweynaha Somaliland Faralnimada Dasuurka Iyo Fiiradeeda Gaarka ah
February 13, 2017 - Written by media news

Qalinka:  C/raxmaan  Sayid  Faarax  (Jeesto).

Marka  laga  yimaado  ujeedada  ay  daarnayd   khudbad-sanadeedkan
2017ka  oo  la  filayo   iney  ka  mid  tahay  khubadihii
Madaxweynaha  ugu  danbeeyey  ayaa  ah  Faral  dastuuriya  inkastooy
fiiro  gaar  ah  leedahay  taasi  oo  siyaasiyan  ka  turjunta  taagta
iyo  dawlada  nidaamkeeda  jihayntu  intuu  le,eg  Yahay,  Aan
bilaabo  nuxurka  ujeedadayda  Madaxweynaha  Jamhuuriyada  Somaliland
Mudane  Axmed  Maxamed  Maxamuud  (Siilaanyo)  wuxuu  dastuurka
qaranku  farayaa  inuu  sanadkii  hal  mar  isugu  yeedho  Golaha
Wakiilada  ama  hay,adaha  sharci-dajinta  dalka  oo  kala  ah
G.guurtida  iyo  G.baarlamaanka,  Waxaana  faraya  marin
dastuureedkan  Qodobka  38aad  Ee  dastuurka  qaranka  faqradiisa
5aad  iyo  ta  6aadba,  Waxaanu  gudanayey  waajibaad  qaran  oo
qaynuunku  farayey  hadaba  umada  reer  Somaliland  qaar  ka  mid  ah
la  dawakhey  amuurtan  isla  markaana  u  qaatey  in  kaliyaata
madaxweynuhu  isugu  wacey  arinta  ansixinta  Saldhiga  Milatari  Ee
Ber-bera.

Waxay  odhaneysaa  naaqishaadeydu  ama  fiirada  geerkee
khubad-sanadeedka  ku  naqilayey  Madaxweynaha  jamhuuriyadu  mudane
siilaanyo  uu  isugu  waci  karaa  Fadhi  aan  caadi  ahayn  hadii
dalka  hawlo  deg-degii  ka  jiraan  waxana  u  banaynaya  Xeerka  Iyo
Dastuurka,  dhinaca  golaha  wakiiladu  waxay  awood  buuxda  ku
leeyihiin  iney  kaliyaata  u  hawl-galaan  hadii  codsi  Madaxweyne
Yimaado,  waxaana  odhanaya  qodobka  kal-gfadhi  aan  caadi  ahayn
sida  uu  qeexayo  oo  ah  Q: 69aad  ee  Dastuurka  Qaran  Faqradiisa
2aad:  waxa  ku  cad  kal-fadhi  aan  caadi  ahyn  ee  golaha
wakiiladu  wuxuu  ku  qabsoomi  karaa  B:  Codsi  Maxaweyne,  Isla
Qodobkan  waxaa  ku  cad  Faqradiisa  4aad:  khudbada  qaranka  waxa
jeedinaya  Madaxweynaha  kal-fadhiga  ugu  horeeya  Sanad  walba
waxay  ka  war-bixisaa:  Siyaasada,  Barnaamijyada  Dawlada,
Dhaqaalaha  iyo  xaaladaha  lacageed  Iyo  Nabad-galyo,  Markaa
dhinacaasi  waxay  ka  noqoneysaa  in  awood  koowaad  ee  golaha
wakiiladu  siinayso,  fareyso, amreyso,  si  hawlaha  qaranku  u
fulaan.

Inkastooy  ujeedooyin  isku  rarnaayeen  kala  ah  ansixinta  saldhiga
milatari  ee  berberaad  iyo  khudbad-sanadeedka  qaranku  horta
labaduba  waxay  ku  wada  dhigan  yihiin  bayd  iyo  xeer-hoosaadka
qaranka  qaynuunkiisa  sidaa  darteed  waxa  yara  mudnaan  lahayd  oo
tuhunka  iyo  shakiga  muwaadininta,  sioyaasiyiinta,  iyo
axsaabtaba  keeney  waa  isu  dhafalka  laysu  ladhey,  yadoo  aan
lahayd  mushkulad  waayo  sharciyan  waa  sax  in  Madaxwynaha
Qaranku  Dalbada  Kal-fadhi  aan  caadi  ahayn  Ama  uu  damco  soo
bandhigida  khudbad-sanadeedka,  Balse  waxan  laysla  garan  laayahay
waa  fasir  la,aanta  oo  waxay  u  baahan  tahay  faaqidaad  iyo
falan-qayn  tooshka  lagu  ifiyo  Si  aan  loo  odhan  waa
(Procetural  Un  Push)  ama  sharciyad  aan  dhameystirmin  markaa
taa  waxaan  kaga  baxayaa  labaduba   waxay  ku  jiraan  dastuurkee
ha   loo  fiirsado.

DHinaca  faaqidaadu  waxay  soo  qaadaneysaa  Awooda  Madaxweynaha
Qaran  Jamhuuriyada  Somaliland  Mudane  Axmed  Maxamed  Maxamuud
(Siilaanyo)  ku  leeyahay  haykalka  ama  hab-masuuska  hogaaminta,
hilaadinta,  hagida,  iyo  hagaajinta  qaranka,  tanina  waxa  inoo
Qeexaya  Qodobka:115aad:  ee  dastuurka  qaranka  oo  odhanaya
Madaxweynuhu  waa  madaxa  iyo  astaanta  qaranka  iyo  dawlada: waa
astaanta  midnimada  muwaadiniinta   jamhuuriyada  Somaliland  ku
bahoobey,  waxa  uu  u  xil-saaran  yahay  daryeelka  haybada  dalka:
Ilaalinta  nabad-galyada: horumarinta  bulshada  iyo  habsami  u
socodsiinta  maamulka  dawlada,  Si  uu  hawlahaasi  korku  xusan  u
guto  waajibkooda  waxa  madaxweynuhu  leeyahay  Awoodo  uu  xeerku
qeexayo.

Markaynu   ka  nimaadno   faralnimada  dastiiriyanka  ah  waxa  jira
fiiro  gaar  ahaaneed  oo  yadna   dul   istaagi  doonta   waxyaabaha
ka  dhinaa   khudbad-sanadeedkan  oo   run   ahaantii  aan   u
iftiimisey   ama   ku  nuux-nuuxsatyey  waxa  la  yidhaa  maal-gashiga
kaasi  oo  lagama  maarmaan  ama  udub  dhexaad  awood  leh  u
noqon  kara  koboca  iyo  koritaanka  jamhuuriyada  Somaliland,
sidaa   darteed  khudbad-sanadeekani  wuxuu  diirada   saarey
maal-gashi  halka  wakhti  xaadirkan  uu  dalku  marayo  xaaladii  ugu
liidatey  dhinaca  Abaarta,  sixir-bararka,  iyo  nolol  xumo  la
soo  daristey  dadka  intooda  jilicdasanee  ugu  nugul  bulshada  xag
dhaqaale,  caafimaad,  tayo,   danbaab-maal-aduun,  hadaba  maxaa
khudbada   looga   dheehan  waayey   dareemida  ibtilooyinka
arimahani  ileyn  khudbadii  waa  dheegan  jirey  dhibaatooyinka,
aafooyinka  iyo  wixii  hadba  u  daran,  sidoo  kalena  nabarka  ku
dhayi  jirtey  xal  u  helida  dhibaatooyinka.

Guntiyo  gaba-gabada  hadaan  irkado  manta  miisaanka
khudbad-sanadeedku  waxay  u  janjeedhey  dhinac  lama  maqal
maah-maahyadii  iyo  hal-ku-dhagyadii  Madaxweynaha  ee  quluubta
hadba  la  dareen  dhigi  jirey ,  inta  badana  waxay  ku
adkaysaneysay  maal-gashi  yadoo  sixir-barer  jiro,  hadaba  waxa
lays  weydiinayaa  maxaa  sababey  dhadhan  la,aanta
khudbad-sanadeedka  madaxweynaha  tolaw  ma  waxa  liita
macluumaadka  wasaarada  madaxtooyada  dalka  ka  soo  saarto,  ileyn
barigii  hore  ee  Xirsi  ahaa  amiirka  qasriga  waa  tii  dhagaha
shacabku  dhuganayeen  eey  dareemayeen  shuruucta  hogaamiyaha
dalkan,  manta  maxaa  looga  dhago-barjoobey  hadaaney  wax  is
badalin,  horta  wax  ways  badeleen  waxaana  kuu  cadeynaya  waa
taa  dhagba  loo  dhigi  laa  yahay.

Qalinka:  C/raxmaan  Sayid  Faarax  (Jeesto)

Diuplomatic  Annalysis

Gabiley/Somaliland.

 

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews