gabileymedia.com
Halkan Ka AKhriso Faah-faahin Dheeraada Ah Oo Kasoo Baxday Israsaasayntii Shalay Ka Dhacday Degmada Ceel-afwayn Iyo Xaaladdihii U Danbeeyey ee Degmada
February 17, 2017 - Written by media

Hargeysa(gmn ) Febarwari.17,2017-Wararkii u danbeeyey ee naga soo gaadhay degmada Ceel-afwayn ee gobolka Sanaag soona gaadhaya xafiiska warqabadka ee shabakada Ramaasnews ayaa waxay sheegayaan in saaka waabarigii hore ay israsaasayn yar ay mar kale dhex martay labadii beelood ee walaalaha ahaa ee ay mar kale dib usoo cusboonaatay colaadii u dhaxaysay ee xalinteeda lagu guda jirey mudaba.

waxaana la sheegay in beel ka mid ah labada beelood ay rasaas ay fureen saaka waabirigii ay dhaawacday mid kamid askartii ku kala dhex jirtay labadan maleeshiyo beeleed kaas oo la sheegay in uu dhaawaciisu yahay mid aad u fudud.

Ciidamada qaranka Somaliland,ciidamada RRU-da iyo kuwa booliska ah oo iyagu goobta ku sugan ayaa waxa la sheegay inay la wareegeen amaanka guud ee degmada Ceel-afwayn iyaga oo askartuna ay taagan tahay isgoys kaste iyo magaalada gudaheeda,sidoo kalena wararka nasoo gaadhaya ayaa waxay intaa ku darayaan in ciidamadu ay dibada u saareen mid kamid ah maleeshiiyaadka labadan beelood ee dirirtu dhex marayso .

Jawiga guud ee magaalada Ceel-afwayn e gobolka Sanaag ayaa wakhti xaadirkan ah mid aanay waxba ka jirin wallow laga dareemayo sansaan colaadeed,iyaga oo labada dhinacba isku hub iyo ciidan aruursanaya waa sida la sheegaye.

Badhasaabka gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falaay oo aan isku daynay inaan khadka telefoonka kula xidhiidhno ayaanay noo suurto galin cillad dhinaca telefoonkiisa gacanta ah awgeed.

Gabagabadiina labadan beelood ayey dhawaan shaqaaqo dhex martay taas oo sababtay dhimasho iyo dhaawac tiro badan,waxaana lagu guda jiray xalinta shaqaaqadan,ilaa hadda se si rasmi ah looma garanayo wax dib usoo cusboonaysiiyey colaadan

gabbileymedianews.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews