gabileymedia.com
Musaafir Baan Ahay Waar Masaajidka Nooga Bax”W/Q:Mohammed Aden Dirir.
February 27, 2017 - Written by madaxa wararka

Waa Masaajido ku yaala Gudaha Magaalooyinka Somaliland oo badankooda laga soo dhisay Baaho loola Tagay Dawlada Sucuudiga Amase Wadaadada Wahaabiyada ee Ay ku Xidhan Yihiin Kooxo Culimo Soomaaliyeed ku Noqday Shan Tiir oo Ay kaga Dhex muuqdeen Shacabka Soomaalida kuwaasi oo Kala Ah Gunaynta Gadhka,Gaabinta Shaarubta,Gadashada Khamiiska,Gudashada Salaada iyo Goynta Balwada

Musaafir Wadani Soomaaliyeed oo Ka yimi Degel Kale ayaa Miciin Soo biday Dhismaha Meel La Qurxiyay oo Si Wanaagsan oo Loo Dayactiray Looguna Yeedhay Masaajid(Bayd Ilaahay)
Sidii Soomaalinimo,Dhaqan Ahaan iyo Islaamnimo Ayuu Usoo Gabaadsaday Balse Salaadii Cishe ka bacdi Wuxuu Isku Dayay Maadaama aanu Magaalada cid ka Garanayn inuu si Hoose Dadka ula Hadlo Waayo Haduu Sare u KAco oo Dadka Masaajidka Ku Tukanaya Wax Waydiisto, Isagoo Waydiinaysa Wuxuu Caawa Caloosha Gashado,Waana Ka helay Wixii Alle uga Qoray,iskana soo Cashee Masaajidkiina Dib ugu soo Laabay
Waayo Qolyihii Dhismaha Lahaa Hadii Aanay Xataa weligiis Ninkaas Musaafirka Ah Arag Waxay Odhan Wuu Ku Dewersadaa,Hada Wadaadkani Maalin Kasta Dadkaas Masaajidka Ku Tukanaya Ayuu Wax Weydiistaa Isagoo Soo Gashaday Shaadhka Masaajidka,Mar uu Dhaho MAsaajidkaa La Dayac Tirayaa iyo Maruu Sijaayad Baa Dhiman Isla Soo Taago Mikirifoonkiisa
Dadka Quluubtiisa Ilaahay Ayaa Daalacda,Mana Aha In Wadaado Diinta Uga Baxay Sida Leebku Qaansada uga Baxo Ay Ka Soo Waramaan Quluubta Dad Masaakiin Ah oo Dhibaataysan iyagoo ku Jeesjeesaya Waxaana taasi u Muuqataa Maahmaahdii Soomaaliyeed ee Odhanaysay MARTIDU MARTIDA KALE WAY KA NAXDAA,Wadaadkan Yari Isagaa Dadkan uu Masaajidka u Samaystay Marti uga Ah Wixii uu u Baahan Yahay Isaga,Masaajidkiisa iyo Malcaamadiisuba Balse Marna ma Ogolaanayo in Dad MAsaakiin Ahi Ay Masaajidka Wax ku Waydiistaan dadka ku Tukanaya,Dibada ayaana Looga Soo Saaraa,waxaana Lagu Amraa Inay dadku Markay Masaajidka Kasoo Baxaan Ay Albaabka u Istaagaan oo Halkaas Wax ku Waydiistaan Balse ay xaaraan Tahay in Dhismihiisa Dadka lagu Martiyo

Musaafirkii Oo isku Deyeya inuu Baydka Ilaahay Iska Jiifsado Maadaama Aanay Ahayn Meel Masaajid ah oo aan La kala Lahayn,Qofkii Duruufi Haysaana uu gabaadsado si uu Baydka Alle Uguna Cibaadaysto,Nolol Kalena uga Faaiido Ayaa waxaba Uu kala Kulmay Aflagaado Hor leh,Masaajidkii Alle oo Laga Sheegtay,Dibada oo looga soo tukhaantukhiyay iyo Ilmo Ka Timi Ayaa Isku Xigtay.CAJIIB!!
“ Adeer Hurdo Lahayne Nooga Bax Masaajidka,Waanu Xidhaynaaye “Waar ma Guri uu Isagu Leeyahay Baa,Kulahaa ,Waa la Nadiifiyaa Hadaad seexato soow Wasakhoobi Maayo Masaajidku,Waxaan isweydiiyay Masaajidka iyo Musaafirka Kuma Ayaa Xaga Alle Ka Qaalisan oo u Baahan in Wax la Taro,Hada Qaybta Nadiifinta Maalin kasta isaga Xilba kama Saarnee Hablo u muuqda in La Sixray Ayaa Wax lagu Akhiyaa oo Masaajidka Maydha,Dibadiisana Qashinka Ka Xaadha
Dhismaha Meeshan Masaajidka lagu Sheegay ee Wadaadku Leeyahay Ayuu Musaafirkii Dibada Kartoon Dhigtay,Dhaxanta Iyo Dhedaduna Waxay La Noqdeen Saaxiib Ku Meel gaadh ah oo Caawa uu Sii Dhadhamin Doono,Salaadii Subax Ayuu Masaajidkii Soo Galay Musaafirkii Iskaga Tukay Balse Wuxuu ka Yaabay Wadaadkii Soomaaliga ahaa ee Waxoogayga Carabiga Bartay oo Ciyaarihisii Dudubinaya Kulahaa “Walaalayaal Waxaa la Yidhi Isku Naxariista,Qofkiina Dhiban taageera si Aad Alle Agtiisa Jano uga Heshaan,Walaal Alle wuxuu Yidhi Bayd ilaahay Ninkii Wax Ku Darsadaa Xasanaad Ayuu Helayaa,Maanta MAsaajidkeena Gogoshii Waad Aragtaan Sida Ay tahay,Biyihii Ayaa Ka Go’an Masaajidka,Suuliyaduna Waa buuxsameen oo Hagaajin Bay u Baahan Yihiin “Hodho Dho”
Hada Ramadaanta Tobanka Habeen ee Danbe Waa La Seexdaa Masaajidkan Iyadoo Welibana Laga Dhigtay Cibaado faral Ah oo aan Laga Maqnaan Karin,Mase Fahamtay Mashruuca Xaaraanta ka Dhigay In Musaafirku Masaajidkaas Seexdo

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews