gabileymedia.com
War Deg Deg Ah:-Dagaal Gacan Ka Hadal Ah Oo Dhex Maray Xalay Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Iyo Gudoomiyaha Maxkamadda Racfaanka+Magaca Goobta Dagaalku Ka Dhacay Iyo Waxa La Isku Khilaafay
March 1, 2017 - Written by media news

Hargeysa(gabileymedia)March.1,2017-Warar madax banaan oo nasoo gaadhaya ayaa waxay sheegayaan in dagaal gacan ka hadal ahi uu dhex maray xalay Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Somaliland Axmed Xasan iyo gudoomiyaha maxkamadda Racfaanka Cali Suudi
Wararkan ayaa sheegaya in xeer ilaaliyaha guud ee qaranku uu isagu weerar kusoo qaaday gudoomiyaha Maxkamadda Racfaanka mar uu ku sugnaa xalay hudheelka Fish And Steak ee magaalada Hargeysa.
Waxaana dagaalkoodan gacan ka hadal ah uu ka dhashay sida naloo sheegay kadib markii maxkamaddaha Hoose,gobol iyo waliba racfaankuba ay xorriyadiisiii si damaanad ah ugu soo celiyeen agaasimihii  telefeeshinka Star qoraa Maxamed Baashe Xaaji Xasan oo muddo Lix Cisho ah xukuumadda u xidhnaa kuwaas  oo markii danbe si damaanad ah ugu soo daayey uguna ogolaaday gudoomiyaha ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac “Xuuto”, arrinkaa siidaynta ah oo uu ka xanaaqay xeer ilaaliyaha guud ee qaranku intaasi ka dibna uu kusoo weeraray gudoomiyaha maxkamadda Racfaanka hotel-ka Fish and Steak.
Waxaana markiiba kala jiiday labada masuul garyaqaano goobta ku sugnaa wallow aan wax khasaare ah ka dhalan dagaalkaa gacan ka hadalka ah ee dhex maray labadan masuul.
Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ee xalay soo weeraray gudoomiyaha maxkamadda Racfaanka ayaa isagu ah mid ka cadhaysan sii daynta damaanadda ah ee maxkamadduhu kusii daayeen qoraa Maxamed Baashe Xaaji Xasan oo muddo Lix Cisho ah u xidhnaa Xukuumadda,ilaa hadda se lama garanayo sababta uu xalay usoo weerary xeer ilaaliyuhu  gudoomiyaha.

xigasho ramasnews .com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews