gabileymedia.com
WARBIXIN: Qiimaynta Ciyaartoyda Kooxaha Liverpool & Arsenal Ee Kulankii Anfield, Xidighii Kulankan Isku Muujiyay Iyo Kuwii Ku Fashilmahay Oo Dhamaystiran
March 5, 2017 - Written by media news

(HR,GMN sport0)Liverpool ayaa guul wayn oo raaxo leh Anfield kaga gaadhay kooxda ay kaalmaha sare ku tartamayaan ee Arsenal waxaana kulankan wacdaro ka dhigay xidigaha khadka dhexe iyo weerarka Liverpool uga ciyaarayay oo Arsenal udiiday in ay wax natiijo fiican ah ay ka soo helaan Anfield. Arsenal ayaa saddex maalmood gudahood soo dhawayn doonta Bayern Munich iyada oo xaaladan xun ku jirta waana murugo kale oo Arsene Wenger sugaysa sidii uu xal ugu raadin lahaa.

Alexis Sanchez oo kursiga kaydka la dhigay ayaa xaalad xun ka abuuray kooxda Arsenal waxayna jamaahiirta Gunners cadho wayn kula dhaceen Arsene Wenger waxayna ka cabsi qabaan in waqtigii Sanchez uu soo dhamaado marka uu suuqa kala iibsigu furmo dhamaadka xili ciyareedkan. Haddaba qiimaynta ciyaartoyda labaada kooxood ayaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa iyada oo si gaar ah aanu u soo qaadan doono xidigihii bandhiga ugu fiican sameeyay iyo kuwii fashilmay.

XIDIGII GAROONKA: Xaqiiqdii waxay ahayd wax aad u adag in xidiga garoonka loo doortay hal ciyaartoy waxaana bandhig layaableh sameeyay Sadio Mane, Roberto Firmino, Adam Lallana iyo Philipe Coutinho laakiin sida xogta kulankan laga ururiay tilmaamtay waxaa xidigii garoonka ugu fiicnaa noqday Roberto Firmimo.

Firmino dazzled with his trickery and movement in victory over Arsene Wenger's Arsenal side

XIDIGII UGU LIITAY:  Qaybtii hore ee kulankan muu jirin xidig Arsenal ah oo lagu tilmaami karo in aanu fashilmin balse waxay inta badan iska saxeen qaybtii danbe markii uu Sanchez dhiiga cusub ku shubay balse haddana Coquelin, Xhaka iyo Iwobi ayaa ahaa xidigaha sida dhabta ah kulankan ugu fashilmey.

Francis Coquelin had another day to forget as he failed to cope with the game's speed

Ma jiro hal ciyaartoy oo Liverpool ah oo ay qiimayntiisu ka hoosayso 7 darajo  waxaana qiimaynta ugu saraysa oo ugu dhamaan ah 10 ka darajo ee ugu sareeya ku dhamaaday Firmino, Lallana, Coutinho  iyo Wijnaldum, xataa Origi oo kaydka ka soo baxay ayaa qiimayn sare ku helay bandhig cajiib ah oo uu markiiba Liverpool kaga caawiyay in ay culayska ku sii saarto Gunners.

English international and Liverpool midfielder Adam Lallana is the man for a big Anfield night

QIIMAYNTA CIYAARTOYDA LIVERPOOL:

Liverpool: Mignolet (7), Clyne (7), Matip (7), Klavan (7), Milner (7), Wijnaldum (8), Can (7), Lallana (9), Coutinho (8), Mane (9), Firmino (9.62)

Badal: Alexander-Arnold (6), Leiva (6), Origi (7)

Badal Aan La Isticmaalin: Karius, Lovren, Moreno, Lucas, Woodburn, Alexander-Arnold

QIIMAYNTA CIYAARTOYDA ARSENAL:

Arsenal: Cech (7), Bellerin (7), Mustafi (6), Koscielny (6), Monreal (6), Coquelin (5), Xhaka (5), Welbeck (7), Oxlade-Chamberlain (6), Iwobi (5), Giroud (6)

Badal : Sanchez (7), Perez (6), Walcott (6)

Badal Aan La Isticmaalin: Gibbs, Gabriel, Ramsey, Ospina

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews