gabileymedia.com
Barcelona Oo Camp Nou Ku Gumaaday Celta Vigo, Lionel Messi Oo Si Toos Ah AFAR Gool Ku Lug Lahaa Xili Balaugna Ay Dib Ugu Soo Laabtay Hogaanka La Ligaha Oo Real Madrid Sii Qabtay.
March 5, 2017 - Written by media news

HR (gmn)Barcelona ayaa markale fariin cad udirtay kooxaha horyaalka La Ligaha kula tartamaya waxayna Camp Nou ku xasuuqday kooxda Celta Vigo oo markeeda si wayn uga aarsatay. Barcelona ayaa oo la ogaa kulankii Sporting iyo 6:1 ay ku soo gumaaday ayaa markale kulankii labaad oo xidhiidh ah Celta Vigo ku xasuuqday 5:0. Lionel Messi ayaa kulankan wacdaro layaableh ka dhigay isaga oo laab gool dhaliyay isla markaana laba gool oo kale caawintooda sameeyay.

Kooxda Luis Ernique ayaa dib ugu soo laabtay hogaanka La Ligaha oo ay Real Madrid saacado kooban sii haysay kadib markii ay guul wayn ka soo gaadhay kooxda Eibar. Barcelona ayaa waqti xaadirkan u muuqata in ay dhinac iskaga dhigtay dhibaatadii xili ciyaareedkan soo haysay waxayna gaadhay guusheedii lixaad oo xidhiidh ah ee La Ligaha iyada oo kulanki 19 aad oo xidhidh ah ayna wax guuldaro ahi ka soo gaadhin La Ligaha.

SHIXHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

BARCELONA(4-3-3): Ter Stegen; Sergi Roberto, Pique, Umtiti, Jordi Alba; Rakitic, Busquets, Rafinha; Messi, Suarez, Neymar.

KAYDKA:Denis, Arda, Iniesta, Cillessen, Mascherano, Alcacer, Digne.

CELTA VIGO(4-2-3-1): Sergio Alvarez; Mallo, Cabral, Sergi Gomez, Jonny; Roncaglia, Radoja; Aspas, Wass, Bongonda; Guidetti.

KAYDKA: Diaz, Sisto, Beauvue, Jozabed, Planas, Rossi, Villar.

Barcelona ayaa kulankan ciyaaraysay iyada oo laab ujeedo lahayd waxayna marka horeba doonaysay in ay dib ugu soo laabto hogaanka La Ligaha kadib markii ay saacadokooban la sii wareegtay Real Madrid, waxayna mar labaad kooxda Luis Enrique doonaysay in ay markeeda ka aarsato Celta Vigo oo kulankii qaybtii hore ee xili ciyaareedkan 4:3 ku soo garaacday.

Waxayna sidoo kale Balaugrana isha ku haysay in ay gaadho guusheedii 6 aad ee horyaalka La Ligaha oo xidhiidh ah iyo kulankeedii 19 aad oo guuldaro la’aan ah. Luis Enrique ayaa markale kaydka uga yimid kabtanka kooxdiisa Andres Iniesta kaas oo uu qaab ciyaareedkiisu hoos u dhacay tan iyo markii uu dhawaaca ka soo laabtay.

Barcelona ayaa qaybtii hore ee kulankan ahayd kooxda garoonka wax kasta ka samaysay waxayna Celta Vigo iskugu keentay xerada ganaaxa kooxdeeda, laakiin sida ay Barcelona fursadaha badan u abuurtay iyo waxa kala duwanayd goolashii ay la timid qaybtii hore ee kulankan. Celta Vigoayaa awoodi wayday in ay wax dhibaato ah ku abuurto difaaca Barcelona ee u muuqday in uu horumarka fiican sameeyay.

DAQIIQADII 20 AAD BIRTA GOOLKA!! Barcelona ayaa dadaal badan kadib u muuqatay in ay heshay goolka furitaanka kadib markii uu Luis Suarez dariiq ka soo dhigtay  Cabral oo uu kubbada lugihiisa ka soo dhex saaray laakiin goolhayaha Celta Vigo ee Sergi Alvarez ayaa birta goolkiisa uga mahad celiyay in ay beenisay wax u muuqday  goolka furitaanka ee kulankan!!.

DAQIIQADII 24 AAD GOOOOOOOOOOOL!!  Lionel Andrés Messi ayaa halkiisa ka siiwata qaab ciyaareedka aan la joojin karin wuxuuna sida uu doono u jiidhay ciyaartoyda Celta Vigo ee ku shamuumsanayd isaga oo darbo xoogan ku garaacay goolhaye Alvarez kaas oo awoodi waayay in uu wax badbaadin ah sameeyo laakiin qaabka uu Messi goolkan ku dhaliyay ayaan ahayn wax cusub waana qaabkii ugu badnaa ee uu goolashiisa ku soo dhaliyay wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1:0 ay hogaanka Barca ku qabtay.

Goolkan ayaa ahaa goolkii 22 aad ee uu Lionel Messi xili ciyaareedkan ka dhaliyay horyaalka La Ligaha wuxuuna markale sare u sii qaaday hamigiisa abaal marinta gool dhalinta La Ligaha ee Pichichi iyo waliba kabta dahabka ah ee Yurub. Sidoo kale goolkan ayaa ahaa goolkiisii 37 aad ee tartamada oo dhan oo uu ku dhaliyay kulankiisii 37 aad.Sergio Busquets ayaa magiciisa ku qoray caawinta goolka Lionel Messi uu dhaliyay.

DAQIIQADII 40 AAD GOOOOOOOOOOOL!!! Barcelona oo ciyaarta si buuxda gacanta ugu haysay ayaa ugu danbayn heshay goolkeeda labaad balse waxa uu ahaa gool caalami ah oo ka yimid cag ku taal ciyaartoy caalami ah waxaana goolkan idhaha aduunka ku xaday Neymar da Silva Santos Junior kaas oo kubbad dilaa ah oo uu ka helay Lionel Messi si layaableh kubbada uga dulqaaday difaaca iyo goolhayaha Celta Vigo si uu u dhamaystiro gool aan caadi ahayn, waxayna ciyaartu noqotay 2:0 ay Barcelona hogaanka ciyaarta ku dheeraysatay.

Barcelona ayaa heli kartay in ay dhaliso goolal intan ka badan laakiin waxay iska lumiyeen fursado ay ciyaarta xili horeba ku dili kareen. Qorshihii ciyaarta ee Celta Vigo ee ahaa in ay si adag u difaacato isla markaana ay weeraro deg deg ah ku dhibaatayso Barcelona ayaan noqon mid shaqeeyay kulankan, waxaana lagu kala nastay 2:0 ay Barca hogaanka ciyaarta ku haysay.

Markii layskugu soo labatay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay markale Barcelona soo laabtay kooxda laga filan karayay goolal kale laakiin markale fursad luminta badan ee Barcelona ayaa halkeeda ka sii socotay balse waxa walwalka ka yaraynayay ayaa Celta Vigo ku cadaadinayeen xerada ganaaxa kooxdooda.

DAQIIQADII 57 AAD GOOOOOOOOOOOOOL!! Barcelona ayaa heshay goolkeeda saddexaad waxaana markan shabaqa soo taabtay  Ivan Rakitić isaga oo markii horeba ahaa xidiga weerar cajiib ah soo dhisay laakiin kubbada uu Neymar JR dhinaca bidix kala soo xarooday ee ay Messi iyo Rafinha doorka ku soo yeesheen ayuu  Ivan Rakitić goolkan ku dhaliyay basle calanwadaha ayaa ku fashilmay in uu offside tilmaamo maadaama uu Rakitic ku jiray offside cadaan ah, waxayna ciyaartu noqotay 3:0 ay Barcelona hogaaka ciyaarta ugu raaxaysanayso.

DAQIIQADII 61 AAD Luis Enrique ayaa ciyaarta ka saaray Sergio Busquets oo khadka dhexe kala xidhay wuxuuna kaydka uga yeedhay Javier Mascherano oo aan markan difaac ahaan ku soo galin balse khadka dhexe kala wareegay Busquets.

DAQIIQADII 61 AAD GOOOOOOOOOOOOOL!!! Samuel Umtiti ayaa goolkiisii ugu horeeyay ee Barcelona ku dhaliyay kubbad hadiyad ah oo uu Lionel Messi soo hormariyay wuxuuna Umtiti isku soo tuuray kubbada si uu xariida goolka u dhaafiyo waxayna ciyaartu noqotay 4:0 ay Barca ku xasuuqayso Celta Vigo wuxuuna Messi sidaa ku sameeyay gool caawintii labaad isaga oo waliba goolka furitaanka soo dhalilay.

DAQIIQADII 64 AAD GOOOOOOOOOOOOL!! Alla Muxuu Gool Ahaa!!  Lionel Andrés Messi oo kulankan wacaro layaableh ka dhigay isla markaana sida uu doono dhulka ujiid jiiday difaacayada Celta Vigo ayaa kubbad weerar deg deg ah kala soo xarooday dhinaca midig wuxuuna iska daba maray tiro difaacyo ah ka hor intii aanu tuurin darbo uu goolhaye Sergio Alvarez daawanayay iyada oo goolkiisa sii galaysa waxayna ciyaartu noqotay 5:0 ay Barcelona ku gumaadayso Celta Vigo.

Celta Vigo ayaa markan bilawday in ay raadiso qaabkii ay kula iman lahayd ugu yaraan goolal ay ceebta iskaga yarayaso laakiin fursado fiican oo ay heleen ayayna uga faa’iidaysan in ay farqiga goolaha iskaga yareeyaan. Inkasta oo ay Barcelona goolal badan dhalisay haddana Luis Suarez ayaa ka soomanaa in uu shabaqa gaadho.

DAQIIQADII 76 AAD Lionel Messi ayaa markale soo jabsaday dhinaca midig wuxuuna awoodi karayay in uu sidii goolkii hore goolka si toos ah u toogto balse waxa uu doortay in uu Luis Suarez la raadiyo gool uu kaga mid noqon karo xaashada gool dhalinta kulankan basle difaaca ayaa dhexda ka leexiyay!!!.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 5:0 ay Barcelona ku xaaqday kooxda martida u ahayd ee Celta Vigo waxayna guushani Balaugrana ka caawisay in ay Real Madrid dib ugu soo ceshato hogaanka La Ligaha iyada oo marklae kooxda Luis Enrique fariin cusub dirtay.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews