gabileymedia.com
Waxaan Ahey Soomaali Laakiin Dalkaygu Ma,aha (Somalia):- Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto).
March 22, 2017 - Written by media news

Gabiley(gmn) Jinsigaygu  Waa  Soomaali  ka  soo  farcamey  Samale  iyo  Qoomiyadaha  Afro-kushaytiska  Afafka  la  yidhaahdo  ku  hadala,  Cumuuman  iyo   caadiyanba  waxa  jira  wax  la  wada  wadaago,  wax  la  kala  leeyahay,  wax  lays kaga  mid  yahay  macano  ahaan  waxa  igu  kalifey  inaan  iftiimiyo  qormo  jinsiyadeedkan  Magacyo  gaara  oo  kala  ah  (Somalia,  Somaliland,  Iyo  Soomaalinimo), miyeyse  jiraan  xidhiidh  ka  dheexeeya  magacyadan  amaba  sidee  loo   kala  leeyahay  ma  cid  gaara  ayaa  dambaabta  mise  kumaankun  ku  abtirsada  ayaa  wadaaga  oo  sal-dhigiisu  ka  dheexeeyaa.

Magacyadani  waa  magacyo  soomaali  ah  markaa  waxa  muujinaya  oo  aad  u  sheeganeysaa  Isirnimada  af-soomaaliga  bacda  arer  waxaan  uga  jeedaa  soo  qaadashada  Ereyadan,  Hadaynu  Umad  Soomaali  ah  marka  aad  sheeganeyso  Jinsiyadaada  waxaad  tahay  (Soomaali)  waxase  muhiimadu  tahay  in  aanad  ahayn  halka  magacan  lagu  sheego  Oo  ah  Soomaliya,  Immika  muwaadiniinta  Reer  Somaliland  Waa  umad  Soomaaliyeed  jinsiyan  laakiin  ma,aha  dalkoodu  (Soomaliya)  ee  waa  Somaliland  markaa  sidaa  ha  loo  garto  oon  laysu  sawirin  kuwani  weynu   ku  kala  gadisan  nahay.

Shacabkeenu  sidaa  haw  fahmaan  mudooyinkan  danbe  waxaad  moodaa  in  laysu  qaldayo  teeda  kale  umado  jaar  ahi  wax  ma  wada  wadaagi  karaan,  Haa  dabcan  laakiin  taasi  waxa  inooga  dhaw  qolyahan  Soomaali-weyn  een  magaca  isirkeena  uga  didayno , waxaynu  wadaagnaa   Isirka  Soomaalinimo,  Diinta,  DHaqan   Iyo  waxyaabaha  la  xidhaadha  Asal  Raaca  Hidaha,  ee  ma  wadaagno  wadan  waxaana  inkala  qaybiya  xuduudo  iyo  sohdimo  caalamiya  oo  dunidii  inoo  dhigtey  marag  ka  tahay.

Sidaa  darteed  Magaca  soomaalinimo  cidna  uga  tagi  meyno  waa  isirkeenii,  waa  faracankeenii,  waa  aas-aaskeeni  markaa  waxa  qurux  badan  in  laysku  ixtiraamo  waayo   dunida  oo  dhan  arimahani  wey  ka  jiraan  waxaanad  arkeysaa  wadamo  kala  duwan  oon  shaqo isku  lahayn  balse  ay  ka  dhexeeyaan  Isir,  Luqad,  DHaqan,  Iyo  Farcan,  Tani  soomaaliduna  kuwaasey  la  mid  tahay  waxa  qaladka  keenayna  sheegashada  oo  dhinac  kaliya  ujanjeedhsantey,  wax  macnoo  balaadhana  saameyn  mayso  cida  dhacaysa  magaca  haddii  loo daayo.

Danbi  ma,aha  hadii  soomaalinimo  aad  sheegataa  kuwani  isir  ahaan  baan  u  wadaagnaa  balse  waxyaabaha  kale  ayeynaan  wadaagin  sida  sohdin,  dalka,  danta-masiiriga,  qaranimada,  waxase  xusuusin  mudan  inaan  magaca  isirkeena  iyo  farcankeena  cid  uga  didnaa  waa  liidasho,  markaa  waan  sheeganeynaa  kamana  gabaneyno,  hadiise  yagu  ay  inaga  badsadeen  ooy  yidhaahdeen  halku  dhigyadan  sida  Culima,udiinka  Soomaaliyeed,  DHalinyarada  Soomaaliyeed,  Haweenka  Soomaaliyeed,  Cuqaasha  Soomaaliyeed,  Aqoonyahanka  Soomaaliyeed,  intaba  weynu  la  wadaagnaa  wayna  nu  nahay  sababtoo  ah  inagu  Somaliland  ahaan  magaca  dalkeena  sifo  kama  dhigi  karno  waayo  xaga  danbe  kalmad  ingiriisiya  ayaa  kaga  ladhan  taasina  waxay  dhaawaceysaa  Asal Raaca  Afkeena  Soomaliga.

Qalinka:  C/raxmaan   Sayid  Faarax  (Jeesto)

Diplomatic  Annalysis

Gabiley/Somaliland.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews