gabileymedia.com
Xidiga Muranka Badan Ee Joey Barton Oo Ku Dooday In La Buun Buuniyay Qaab Ciyaareedka Xidiga Kooxda Chelsea Ee N’Golo Kante.
March 22, 2017 - Written by media news

Hargeisa(gmn sport) Xidiga xulka qaranka France iyo kooxda Chelsea ee N’Golo Kante ayaa si wayn loogaga hadlay saxaafada aduunka gaar ahaan saxaafada afka dheer ee England oo haddba waxa ay sheegtaa uu si wayn aduunka u qabsado, waxaana N’Golo Kante lagu tilmaamayay in uu yahay xidigaha khadka dhexe ee waqti xaadirkan aduunka ugu fiican laakiin ugu yaraan waxaa jira ciyaartoy aan taas aaminsanayn oo waliba u arka in xidiga ree France ee N’Golo Kante buun buunin lagu sameeyay.

Xidiga kooxda Burnley ee Joey Barton oo ah ciyaartoy muran badan abuura ayaa door wayn ku lahaa in Burnley ay barbaro ku qabtay Chelsea  kulankii ay kooxda Antonio Conte barbaraha 1:1 ka ah la soo gashay Burley wuxuuna ahaa xidigii Joey Barton goolka u saxiixay. Joey Barton ayaa sheegay in dhaqanka dadka England ay tahay in ay ku dhaartaan xidiga la buun buuniyo.

Joey Barton oo ka hadlaya  N’Golo Kante ayaa yidhi: “Waqti xaadirkan marka aad England joogto, dadku waxay ku dhaaranayaan N’Golo Kante, waa fashion. Khabiirada kubbada cagta waxa uu isagu u yahay khadka dhexe ee aduunka ugu fiican. Oh! aad ayuu u fiican yahay, laakiin saddex todobaad ka hor ayaan ka hor imid, arinku kaas muu ahayn. Isagu waa burburiye fantastik ah oo ka tirsan koox cajiib ah, laakiin hal abuure ma aha”.

Frank Lampard ayaa ka mid ahaa dadka sheegay in uu Kante yahay khadka dhexe ee aduunka ugu fiican kadib markii uu dhibaato wayn ku abuuray Manchester United ee kulankii FA Cupka. Shaki la’aan Kante ayaa qayb ka ah xidigaha haddaba loo saadaalinayo ciyaartoyga sanadka ugu fiican horyaalka Premier leaque-ga.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews