gabileymedia.com
BBCdu Ima Barri Karto Wax Baal-marsan Qadiyada Somalilandnimo, Qalinka: DP: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto)
April 4, 2017 - Written by media news

 

Soomalida  Ku  Maah-Maahda  (Nin  Geed  Gali  Jirey,  Looma  Galo),  Waxaan  ka  wadaa  ama  aan  uga  gol  leeyahay  Warbaahinta  Maqalka  ah  Ee  Caalamigaa  magaceeduna  yahay  (BBC)  ayaa  soo  qaadatey  barnaamij  lagu  tir-tirayo  ama  lagaga  masaxayo  dhalinyarada  reer  Somaliland  Qadiyadooda  gooni-isu-taag  yadoo  la  adeegsanayo  DHalaanku  mey  ogayn  jabkii  dhacey  iyo  jibaadkii  layska  xoreynayey,  Markaa  waxaan  ugu  horeyn  leeyahay   waxaydaan  xisaabta  ku  darsan  in   nin  gabaadka  yaqaan  aan  loo  gabisin.

 

Anigoo  ka  turmaya  dhamaan  bah-weynta  dhalinyarada  reer  Somaliland  meel  kastooy  joogaan  yagoo  ah  70%  bulshada  Somaliland,  waxaan  soo  gudbin  doonaa  ama  cabirri  doonaa  dareenkooda  iyo  shucuurtooda  ku  aadan  Qadiyadda  Somalilandnimo,  Iyo  waxay  dhalinta  cusubi  ka  aaminsan  yihiin  waayo  dadka  badan  baa  ku  xisaabtamaya  in  la  qaldi  karayo  dhalinyarada  haday  yihiin  kuwa  Soomaaliya  Iyo  Kuwa  Somalilandba,  Laakiin  aragtidaasi  waa  mid  liidata  oon  u  kuur-galin  waaqaca  iyo  sida  ay  umad  walba  sooyaalkeeda  isugu  dar-daarto  si  loo  xafidnaado,  Sababtuna  waxa  weeyaan  umad  waloo  dunida  ku  uumaniba  markay  dooneyso  iney  is  ogaato  ama  is  baadho  waxay  tahay ( Labka) ama  shaybaadhka  ay  isku  ogaaneysaa  waa  sooyaalkeeda.

 

Sidaa  darteed  waxaan  ogeysiinayaa  cid  kastoo  isku  dayasa  iney  Majara-habaabiso   hayaanka  iyo  taariikhda  cad  ee  uu  leeyahay  dalkan  Somaliland   waxaan  u   sheegaynaa  in  aaney  waxyaabahaasi  ka  soconayn,  kuwani  oo  taargatkoodu   yahay  dhalinyarada  sidey  u  duufsan  lahaayeen  yagoo   ku   hawl-galaya  dhalintu  ma  fahansana  mana  oga  wixii  dadkoodu  u  muteen  xornimada  iyo  wadaniyada  lagu  naaloonayo,  Umad  ahaan  hadaanu  nahay  reer  Somaliland  waxaan  aragti  ahaan  iyo  manhaj  ka  dhiganey  Sooyaalkii  reer  Somaliland  soo  mareen  markaa  lagama  yaabo  in  si  fudud  loo  kala  fur-furi  karo, tani  waa  mid  ay  dhamaan  umada  Somaliland  ka  siman  tahay  xaga  ku  adkaanshaha  qadiyada  ama  gooni-isu-taaga  dalnimada  hanaqaadka  leh  een  ku  dhadhabeyno.

 

Waxa  curtey  mudooyinkan  dagaal  ka  dhan  ah  Somaliland  kaasoo  ku   jihaysan  qadiyada  dawladnimada  yagoo  bar-bar  dhigeya  ama  ku  tiraabaya  kaarto  kaga  dhaadhicinaya  dhalinta  reer  Somaliland,  waxay  bilaabeen  madal  lagu  muransiinayo  dhalinyarada  labada  dal  ka  soo  kala  soo  jeeda  waxaaney  ku  sheegaan  waa  barnaamijka  dhalinyarada,  balse  waxa  daahan  xog-qarsoon  oo  ku  tacaluqa  majara-habaabinta  dhalaanka   waxa  ku  cusub  waxaa  ka  mid  ah  in  dhalinyaradu  ay  walaalo  yihiin  wada  dhashey,  Arimahaasina  waa  kuwii  lagu  qaldey  aabayaashayo  iyo  awowyadeyo  oo  run  moodey  dagitaankii   wala-weynta  ilaa  ay  dhayaahooga  iyo  miirkoodaba  ku  soo  dhugteen  wacaasha   loogu  tala-galey  in  lagu   aaso   jiritaanka  soomaalidii  waqooyiga  ee  dawlada  weyn  lahayd.

 

Fariintani  waxay  si  dhaba  u  taabaneysaa  laanta  af-soomaaliga  ee  Idaacada  Bbcda  oon  ugu  quus-goynanaa  in  aan  lagu   qaldi  Karin  dhalinyarta  reer  Somaliland  taariikhda  marin-habaabinta  ee  lala  beegsanayo  baabiinta  waxay  mujaahidiintu  u  halgamayeen,  Dhalinyarada  Somaliland  waa  dhalin  ku  qalabeysan  sooyaalkii  umadooda miisaar  ahaan  lagama  yaabo  in  sida  wax  loo  wado  looga  faa,iideysto  waayo  wey  soo  jeedaan  lamana  daggi  karayo,  Idaacadan  Bbcda  waxaan  leenahay  hadaan  joojin  weydaan  camaaluqaadka  aad  ku  wadaan  wadanka  Somaliland   waxa  la  bilaabi  doonaa  barnaamijyo  lagaga  hor-yimaado  laanta  Bbcda,  Markaa  intaaney  karaamadeeda  seegin  laatani  waa  iney  garataa  ooy  joojiyaan  dalalka  iyo  dadka  ay  isu  dirayaan  ee  ay  ku   soo  faqayaan  wixii  la  ilaawey.

 

Hadaanu  dhalinyarada  Somaliland  nahay  waan   soo  jeednaa  waanan  aragney  xaqiiqda  loo  soo  marey  dawladnimada  Somaliland  iyo  xanuunkii  halganka,  sidaa  awgeed  waa  kuwa  dareemaya  oo  ka  damqanaya  cidii  dureysa  qadiyadooda,  gooni-isu-taagooda, dawlanimadooda  iyo  hour-socodkooda,  Markaasi  Bbcdu  ku  daggi  mayso  barnaamij  fajiya  oo  kala  fogeeya  dhalinta  iyo  dawladooda,  mana  aha  qaar  ay  ku  socodsiin  kareyso  waxyaabaha   qandaraaska  ah  eey  ku  qaateen  isu  dhaweynta  labada  dal,  laakiin  waxaaney  ogeyn  in  dhalintu  bislaatey  ooy  baraarugsan  tahay  isla  markaana  wey  difaacan  karayaan  himiladooda  markaa  ku  quuso  Bbc  Qalin  daartoy.

 

Qalinka:  C/rxamaan  Sayid  Faarax (Jeesto)

 

Diplomatic  Annalysis

 

Gabiley/Somaliland.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews