gabileymedia.com
Dawlada Itaalka Daran Ee Ka Talisa Dalka Yemen Oo Shuruudo Ku Xidhay Inay Soo Dhiibto Maydka Shacabkii Soomaaliyeed ee Diyaaradaha Sucuudigu Ku Xasuuqeen Dalkaasi
April 17, 2017 - Written by madaxa wararka

Hargeysa(GM)Wararka aan helayno ee naga soo gaadhay dalka Yamen ayaa waxay sheegayaan in masuuliyiinta dalka Yamen ay laba shuruudood ku xidheen aasida maydadka dhalinyaradii Somalida ahayd ee u badnayd Reer Somaliland ee bishii ina dhaaftay ay diyaaraddu ku duqaysay xeebaha dalka Yamen iyaga oo la socda doon kasoo shiraaqatay Yamen una socotay Suudaan.

Maydadka dhalinyaradan oo u badnaa dhalinyaro reer Somaliland ah ayaa waxay ku jiraan Talaagadaha maydadka,waxaana masuuliyiintan Yamen ay shuruudaha u direen dawlada Xamar iyaga oo sheegay in aan maydadkaasi la aasayn ilaa inta ay dawlada Somaliya ka aqbalayso shuruudahan jawaabna kasoo bixinayso.

Waxaana labada Shuruudood ee ay masuuliyiintani ku xidheen aasida dadkaasi doonta saarnaa ee Diyaaraddu sida arxan darada ah u duqaysay ay kala yihiin sida ay sheegayaan xogaha naga soo gaadhay dalka Yamen

In ay dawlada Fadaraalka Somaliya ay ka helaan waraaq ogolaansho ah oo sheegaysa in si rasmi ah loo aaso maydadka dhalinyaradaasi oo u badnaa reer Somaliland kuwaas oo ilaa hadda ku jira qaboojiyayaasha cusbitaalada dalka Yamen

Iyo in wafti ka socda dawlada Somaliya ay goob joog ka ahaadaan aasida maydadka dadkaasi Somalida ah oo u badan dhalinyaro reer Somaliland.

Waxaana xoguhu sheegayaan in dawlada Somaliya ay ka cago jiidayso in ay oofiso labadaasi shuruudood,waxaana wali talaagadaha ku jira oo aan ilaa hadda la aasin ,tiro lagu qiyaasay 33 qof oo dhalinyaro u badan oo kasoo kala jeeda Somaliland iyo Somaliya kuwaas oo ku jirey doontaasi sida arxan darada ah ay diyaaraddu u duqaysay,sidoo kalena dawlada Yamen ayaa iyagu ilaa hadda aan shaacin diyaaraddii duqayntaasi gaysatay halka ay kasoo jeedo iyo sababaha ay u duqaysay.

Dhinaca kale dawlada Somaliland oo iyadu sheegtay in ay dawlada Yamen kala hadashay duqayntan loo gaystay dhalinyarada Ayaan wax war ah ka hayn shuruudaha lagu xidhay aasida maydadka marxuumiintani ee loo diray dawlada Somaliya,waxaana taasi ay muujinaysaa habacsanaanta wasaaradda arrimaha dibada Somaliland,waxaana xusid mudan in ay wali tiiraanyaysan yihiin waalidiinta dhashay dhalinyaradaasi kuwaas oo xukuumadda Yamen ka codsaday in loo aaso maydadka ubadkooda

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews