gabileymedia.com
Beesha Subeer Awal Oo Munaasibad ku Maamuustay Xildhibaan Saleebaan Cali Koore Oo U Sharaxan Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland
May 15, 2017 - Written by media news

Hargaysa(GM)Magaalada Hargaysa Gaar ahaana Hoolka Shirarka ee Green Plaza Waxaa Maanta ka qabsoontay Munaasibad Balaadhan oo Hadhimo Ah Taasi oo Ay Ku Maamuuseen Waxgaradka iyo Madax Dhaqameedka Beesha Subeer Awal Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo u Taagan Murashaxnimada Tartanka Adage e loogu jiro jagada Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland

Munaasibada oo Daarnayd is xogwaraysi ku Aadan Midaynta Cududa Siyaasadeed iyo Is dhexgalka bulshada Beelaha Harti iyo Subeer Awal ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Siyaasiyiin, Cuqaal, Aqoonyahan, Dhalinyaro,Agaasimayaal,Waxgarad,Salaadiin iyo Madax Dhaqameed kasoo Kala Jeeda Labada Dhinac ee Kulanku Mideeyey.

Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ugu horeyn Munaasibada Hadal Kooban oo Mahadnaq ah kasoo jeediyay Ayaa Madax dhaqameedka Beelaha Subeer Awal uga Mahadnaqay Sida ay U Dhiiri Geliyeen isla markaana ay Madashan uga Soo Qayb Galeen Waxaana uu Dhinaca kale Hogo Tusaaleeyey Xildhibaanku Muhiimada ay Leedahay Midnimada iyo Wadajirka ay leedahay Cududa Oo La isku Biiriyaa Maadaama Dadka Madasha Fadhiyaa Isku hadaf Ka yihiin Qadiyada Gudoomiyaha Baarlamaanka ee uu Isagu Maanta U Hanqal Taagayo taasi oo uu Sheegay inaanay Ka Fursanayn Sidii ay u Heli Lahayd Gaashaan Buur Siyaasadeed oo ay ugu Horeeyaan Beesha Subeer Awal gaar ahaana Xildhibaanada ugu Jira Golaha Wakiilada

Sidoo Kale Waxaa iyaguna Halkaasi Hadalo Koobkooban kasoo jeediyay Agaasimaha Guud ee Gudida Qandaraasyada Qaranka Maxamed Axmed Xasan Saadle kaasi oo Farta ku Fiiqay Cududa ay Beesha Subeer Awal ku leedahay Golaha Wakiilada Somaliland iyo Sida ay Siyaasiyiinta Beelaha Harti Uga Fadhiyaan inay is Barbar Taagaan Mudanaha Keliya ee Ay usoo Xusheen inuu Wakiil uga noqdo Beesha Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Kaasi oo ah Xildhibaan Saleebaan Cali Koore

Siyaasiyiinta,Waxgaradka,Xildhibaanada iyo Madaxdhaqameedka  Beelaha Subeer ee Madashaasi ku sugnaa Ayaa Cadeeyey Iyaguna Mawqifkooda ku Aadan Cida ay ku Taageerayaan inuu Qabto xilka Gudoomiyaha Golaha Wakiilada iyagoo Farta ku Fiiqay Xildhibaan Saleebaan Cali Koore inuu ka mid yahay Shaqsiyaadka KAsoo jeeda Beelaha Harti ee Wax Unkay Jiritaanka Somaliland taasina ay Lagama Maarmaan Tahay inuu isagu Ka mudan Yahay Cid kasta oo Si Kale Golaha Lagu Soo Geliyay Maadaama ay sheegeen in Saleebaan usoo Taagnaa Waayihii kala gedisnaa ee Lala soo Maray Jamhuuriyada Somaliland isla Markaana uu xogogaal u Yahay Bulshada Somaliland Min Lawyacado ilaa Laascaanood.

Ugu Danbayn Xildhibaan Saleebaan Cali Koore ayaa Waqti xaadirkan Ugu Cadcad Mudanayaasha Tartanka ugu jira Kuriga Golaha Wakiilada Waxaana la Saadaalinayaa in Xilkaasi uu Banaan u Yaalo Marka loo eego Cududiisa Taageero ee Beelaha Somaliland iyo Beeshiisa iyo Tan Kasoo Horjeeda oo U Muuqata Mid ilaa iminka Kacaa Kufaysa

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews