gabileymedia.com
Akhri-Cabdiraxmaan Cirro,Ku Xigeenkiisa Iyo Faysal Cali Waraabe Oo Laga Reebayo Tartanka Doorashada Somaliland Maadaama ay Sitaan Dhalasho Dalal Shisheeye Iyo Mujaahidka Oo Madashu U Baraxan Tahay
July 24, 2017 - Written by media news

Hargaysa (GM)-  Guddoomiyaha Guddida ilaalinta iyo Dabogalka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Naasir Cali Shire, ayaa sheegay in dastuurka  aannu ogolayn in siyaasi dhalasho dal kale haystaa   murrashax madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen ka noqdo Somaliland.

Xildhibaan    Naasir Cali Shire oo  shalay  u waramayay wargayska Dawan,  ayaa sheegay in qoddobka 82- aad ee Dastuurka faqaradiisa  koowaad   si cad u qeexayo in murrashaxa madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen ee u taagan  Somaliland  aanay yeelan karin dhalasho dal kale,waxaannu balanqaaday inuu Wakiilladda horkeeni doono mooshin la xidhiidha sidii loo fulin lahaa qoddobkaas dastuuriga ah.

“Waxa aanu guddida doorashooyinka isla soo qaadnay oo aannu ka wada hadalnay,  una  caddaynay in qodobka 82-aad ee dastuurka Somaliland  faqaradiisa koowaad waxa ay si cad u sheegaysaa  in murrashaxa  madaxweyne iyo madaxweyne Ku-xigeen,  in aanay yeelan dhalasho dal kale  way ahaan karaan qaxoonti ku sugan dal kale oo  wali  dhalasho ka qaadan,laakiin qofkaasi hadduu baasaaboor ajaaniba haysto  oo uu yahay  qof dhalasho dal kale  haystaa aanu noqon karin murrashax  Madaxweyne iyo adaxweyne ku-xigeen,  baarlamaankana waanu soo hor-dhigaynaa waana ka ansixinaynaa,”ayuu ku dooday Xildhibaanku.

Waxa kaloo uu xusay inay Komishanka Doorashooyinka ka wadahadleen sidii loo diiwaan-gelin lahaa hantida murrashaxiinta u tartamaysa jagooyinka madaxweynaha iyo madaxweyne Ku-xigeenka ee saddexda xisbi qaran, waxaannu yidhi; “Waxa aanu labo jeer kala kulanay komishanka doorashooyinka  in sannadkan ay ka duwanaato doorashada madaxtooyadu   labadii doorasho ee hore  waxaannu doonaynaa in la diwaan-galiyo hantida ay leeyihiin murrashaxiinta madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen ee saddexda xisbi qaran ee Somaliland,waxaana si cad u caddaynaya dastuurka  qodobka 82-aad ee dastuurka faqradiisa labaad  waxay  sheegaysaa in la diwaan-galiyo  murrasharaxa madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeennada ee xisbiyada ka tartamaya,  waana talaabo aad u fiican waxaana ay qaranka u horseedaysa  in musuqmaasuqa laga hortago.waxaana maalin dhow shir iskugu yeedhaynaa (Guddi ahaan)   maxkamada  iyo   hanti dhawraha guud.”

Md. Naasir Xaaji  waxa uu sheegay in wada shaqayni ka dhaxayso guddigiisa  iyo hanti-dhawraha guud, kana wada hadleen sidii loo ilaalin lahaa hantida qaranka; “Wada shaqayn cusub ayaa ka  dhaxaysa guddida dabo-galka iyo ilaalinta hantida qaranka  ee  golaha wakiillada   iyo hanta-dhawraha guud,  waanu kulanay hantidhawraha guud waxaanay qaadeen talaabooyin lagu ilaalinayo hantida dawladda,waxaanan la kulmi doonaa maalmaha soo socda wasaaradda maaliyadda  oo aannu ka wada hadli doono sidee loo ilaalinayaa hantida qaranka muddada lagu jiro kala guurka siyaasadeed,”ayuu yidhi Md. Naasir Xaaji Cali Shire.

Murrashaxiinta Madaxweynaha ee xisbiyada WADDANI iyo UCID, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Faysal Cali Waraabe, ayaa sita dhalashooyin shisheeye, waxaanay labaduba leeyihiin dhalashada waddanka Finland oo ay xaasaskoodu degan yihiin.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews