gabileymedia.com
Qaar Ka Mid Ah Qurbajoogta Beelaha Bariga Burco Ee Dalka Ingiriiska Oo Sheegay Inay Ka Fiirsanayaan Taageerada Xisbiga Kulmiye Iyo Murashax Muuse Biixi
July 24, 2017 - Written by media news

London(GM)  Dhamaanba Qurbajoogta Kasoo jeeda Beelaha Bariga eek u Sugan Dalka Dibadiisa ayaa ka dhawaajiyay markii ugu horeysay inay ka fiirsanayaan kasii mid ahaanshaha iyo taageerada ay u hayaan murashax Muuse Biixi Cabdi iyo Xisbiga Talada dalka haya ee KULMIYE.

Taageerayaashan Ayaa Tilmaamay inay Hungo Ka Taagan yihiin Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumada waxaana ay Farta ku fiiqeen Kala Daadsanaanta ku habsatay deegaankooda Tan iyo intii Kulmiye talada dalka hayay iyagoo intaasi ku daray inaanu waxba usoo Wadin mustaqbalka Dadka iyo Deegaamada beelaha Bariga Burco.

Afhayeenka Qurbajoogta qaar ka mid ah Beelaha Bariga oo Lagu Magcaabo Janaraal Jirde Muuse Cali Gucure oo Waraysi Gaar ah Na siiyay isagoo ku sugan Dalka Ingiriiska ayaa sheegay Sababta ku kaliiftay inay Waqtigan Ka fiirsadaan Aayahooda Mustaqbal eek u Salaysan Ololaha doorashada ee kusoo Foolka leh Somaliland inay Ay ka danbaysay Dib u dhac Baahsan oo Dhinacyo Kala Gedisan Ah oo ku Habsaday Deegaamada ay Degaan iyo Hagrashada Loo Gaystay Dhulkooda iyo Shacabkooda waxaana ay Sheegeen inaanay Xiligan muuqan Sabab ay uga sii Mid Ahaadaan Xisbiga Kulmiye Isla markaana Ay Taageero La Barbar istaagaan Muuse Biixi Cabdi oo Ah Murashaxa Xisbiga Kulmiye uga qayb geli doona Doorashada Soo Socota ee Madaxtooyada.

Mujaahid Jirde Muuse oo arintaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Walaal waxaanu idiin sheegaynaa inaanu dalka dibadiisa ka wadno Kulamo iyo Shirar aanu Kaga fiirsanayno Taageerada Xisbiga Kulmiye iyo Muuse Biixi Cabdi oo noo xaqiijiyay inuu Ka maarmay Qurbajoogta Beesha Bariga Burco,taasi oo la mid ah sidii ay Xukuumada uu Ka mid ka yahay Uga Maarantay Deegaanada Beeshu degto maadaama la godoomiyay isla markaana laga mamnuucay in wax loo qabto,inagoo og meeshii ay ku danbeeyeen mashaariic been abuur ah oo dadka loo dhagax dhigay si loogu indho Sarcaadiyo balse ay bulshadu ogsoon tahay Wixii la taray iyo waxa laga Masuugay,taasi oo ay dheer tahay in muuse Biixi Deegaamada uu dego laga wada Hirgeliyay Wadooyin Laami ah marka laga yimaado mashaariicda horumarineed ee Kale halka aan deegaamadayada Xataa Ceel Biyood laga qodin oo dadkii Haraad ugu Dhimanayaan wax kale iska daaye,taasi oo ay dheertahay in Sidoo kale dal iyo dibadba laga ururiyay Hanti farabadan oo laynoo sheegay in Dadkii caydhoobay Dib u dejin loogu samaynayo Balse ilaa hada aan la garanayn meeshii ay la Mareen Gudidii Abaaraha ee U Badnaa Reer Hargaysa looguna Talogalay in Lacagtaasi Masaakiinta dal iyo dibadba laga Gurtay in Muuse Biixi Cabdi uu Ololaha Doorashada Ku Galo,Markaa waxaan kuugu soo Afmeerayaa nooma hadhin waxaanu usii Joogno Meel aan dad ahaan iyo deegaan ahaanba nalaga Doonayn waxaana aanu Dhowaan shaacin doonaa In aanu Xisbigaasi Ka digo rogono oo ku Biyo Shubano Xisbiga Waddani,waxaana aan halkan sidoo kale ka Taageerayaa hanbalyona u dirayaa Gudoomiye xigeenka Labaad ee Xisbiga waddani Saleebaan Ducaale xaaji Jaamac” Afhayeenka Qaar ka mid ah Qurbajoogta Beelaha Burco Mujaahid Jirde Muuse Cali Gucure

Magacyada Qurabjoogta Baaqan Soo Saaray eek u Saxeexan.

Janaraal jirde muuse cali gucure

saleebaan qodax

maxamed aadan tarabi

canab macalin cali

khadra faarax

cabdirashiid cali

maxamed daahir geeljire

cabdiraxmaan jaamac qodax

fartuun hamashool

xayloosh

saleebaan alaale

faadumo cabdi

aamina muuse

suleekha daahir

aamina carab

canab alaale

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews