gabileymedia.com
Akhri-Wasiir Caddaanigii Warfaafinta Oo Weriye U Guulwadeyn Waayay Ku Xidhay Mudo Bil Ah Hargaysa + Weriyaha Oo Ka Tirsan Tvga Qaranka Iyo Gudoomiyaha SOLJA oo Ku Taageeray
July 26, 2017 - Written by media news

Hargeysa (GM)- Weriye Siciid Ismaaciil Ducaale oo ka tirsan hawl-wadeenada Telefishanka Qaranka ayaa la sheegay inuu muddo soddon maalmood amarka Wasiirka Warfaafinta Cismaan Cabdillahi Saxardiid (Cadaani) ugu xidhan yahay xarunta Dembi-baadhista Hargeysa.

Sababta xadhiga weriye Siciid Ismaaciil u amray Wasiirka Warfaafinta Mr. Cadaani ayaa lagu sheegay inuu  ka dambeeyey ka dib markii lagu eedeeyey inuu jebiyey muraayad dhinaca hoose kaga taalay albaabka hoolka Tiyaatarka Wasaarada Warfaafinta.

Wasiirka Warfaafinta Mr. Cadaani iyo masuuliyiinta kale ee wasaarada iyo Maareeyaha Telefishanka Qaranka oo isku deynay inaan wax ka weydiino, ayaanay noo suurtoobin, isla markaana aan wax tafaasiil ah ka bixinin, sababta xadhiga weriye Siciid Ismaaciil, oo hadii markhaati ku cadeeyo xitaa mudnaa in qaab ka wanaagsan, laguna luminayn kalsoonidii weriyaha iyo dhamaan inta kale ku dhameeyaan.

Mudadaas Bisha Dhamayd ee Weriyahan Ka tirsan Telefishanka Qaranku Xidhnaa Gudoomiyaha Jaahilka ah ee Qabaxda Manaafacaadsada Xuuto Ayaan ka hadal isagoo Umadana ka indho saabay in Arinkiisa la galo wuxuuna Taasi bedelkeeda sidii looga bartay Maxkamada Hargaysa la Wareegayaa Waarano lagu soo qabqabanayo Weriyayaal ku sugan Dalka oo uu Lacag kaga soo Qaatay Wasiiro ay isku Beel yihiin waxaana uu Dibjirkani ku danbeeyey inuu Ka macaasho Dabagalka iyo Raadinta Hadba weriyaha wax ka qora Musuqa Xukuumadan waqtigeedu dhamaaday isagoo welibana Sidan Ku doonaya in Mar labaad loo doorto Hogaanka SOLJA oo God Madoow uu ku Riday Kadib markii Looga Inqilaabay Alle Naxariistii Jano Haka Waraabiyee Xoghayihii Hore ee SOLJA MArxuum Maxamed Rashiid Maxamed Faarax oo Hiil Iyo Hooba la garab taagnaa Weriyaasha SOmaliland

Inbadan oo ka tirsan shaqaalaha wasaarada warfaafinta ayaa si weyn isku weydiinaya sababta keentay in qof shaqaale ah oo dembiga lagu eedeynayey yahay muraayad yar, xadhigisa loola doontay xarunta CID-da oo baddi lagu xidho dadka dembiyada waaweyn sida argagxisada loo haysto lagu baadho, laguna xidho.

Dembiga mudadda soddonka maalmood loo haysto weriyahan ka tirsan Telefishanka Qaranka ayaan weli caddeyntiisa loo gudbin hay’adaha garsoorka iyo maxkamadaha, isla markaana xadhigiisu u muuqdaa mid baalmarsan sifaha sharciga & qawaaniinta dastuurka JSL ee ixtiraamaya xuquuqal-insaanka.

 

SOLJA-Urur Saxaafadeed Mise Ardaa Xukuumadeed-

Meel Aar Ka kacay Atoor Fadhfadhiisay’’

Afeef: “Eexasho Rabbow Iguma Ogid Uurku Taallana Warkeed Daa”. Waxa Muddo  Laga Jooga Waqtigii Xukuumadda Tallada Haysa Iyo Koox Shaadh Saxaafadeed Xidhan Ay U Bahoobeen Af-Gambigii Ururkii Xalaasha Ahaa Ee Solja, Kaasoo U Kala Jabay Garabyo Iska Soo Hor-Jeeda Kuna Kala Qaybsamay Hoggaankii Sare Ee Ururka Solja-Dii Hore.

Hase-Yeeshe Cadaadis Iyo Cudud La Dul-Dhigay Kaddib Lagaga Takhaalusiiyey Xubnihii Ka Foggaa Dhabar-Taabashada Xukuumadda Kulmiye Isla Markana U Taagna Xornimada Iyo Dhawrida Xoriyadda Saxaafadda Somaliland.

Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxaa Loo Aasaasay Danaha Iyo Horumarinta Saxaafada Madaxa Banaan ee Somaliland Sida u Doodista Weriyaha La Xidho,Sii Daynta Ka MAxbuus laga dhigay Iyadoo Wasiirada ama Shaqsiyaadka Awooda Dawladeed u Isticmaalaya Iyo Ka hortagista In Albaabada loo Laabo Goobahooda Shaqo iyo Xafiisyada ay Ku Hawlgalaan Sida Wargaysyada,Telefishanada Iyo Maeegaha Xili Aanay Xukuumadani Ogolayn In Dalka laga Furto Idaacad Sidii ay Iyadu U Lahayd Idaacadii RADIO HORYAAL,Taasi oo noqotay Mid iminka la fool xumaatay Halkii ay Hore ula Qurux Badnayd Xiligii Ay Dalka Ka Dhacsanaysay Xukuumadii Daahir Riyaale Kaahin.

Halka Xukuumadu Ay Taasi Mid u Dhiganta Ka Samaysatay Wasaarada Warfaafinta Iyo Wacyigelinta oo Shaqadeedu Tahay Horumarinta Weriyaasha Ku Hadla Afka Dawlada Gaar ahaana kuwa ka shaqeeya Telefishan,Idaacad,Wargays iyo Mareeg Ay leedahay Dawlada Somaliland.

Arimahan Kala Fogi Waqti Xaadirkan waxay Noqdeen ISku Mid iyadoo si Toos Ah uu Gudoomiyaha SOLJA uga Dhigay In Bisad iyo Jiir Meel Ku wada Casheeyaan Tiiyoo uu Dhaafsaday Waxoogay Shilimaad ah oo Loogu Daray Miisaaniyada Halka Ay Welibana Taasi Dheer Tahay in Ururka SOLJA uu Tababaro u Qabto Weriyaasha Xukuumiga ah ee Ka Hawlgala Warbaahinta Dawlada kuna Kala Sugan gobolada Dalka

Gudoomiyaha SOLJA oo Isagoo ka Duulaya Qaabka Qabiil ee Ururka SOLJA uu ku Hogaaminayo Waxaa uu Siminaarada Keliya ku Qabtaa Hotelada Beeshiisu Leedahay Sida Mansoor,Xaraf iyo Guuleed Marka Laga Tago Hotelka Ambassador oo Ay Ku Qasbeen Hayadaha Dhaqaalaha Siiya Oo Halkaasi Degan Awgeed Balse Maysan Dhicin Siminaar lagu Qabtay Hotelada Dalxiis,Kaah iyo Maamuus Taasina Waa Ay Muuqataa.

Dhinaca Kale Hawlgabka Bixiya Siminaarada iyo Waxa loogu yeedhay Tababarada Bilaa Tayada Ah ee Ururkani Lasoo Gole Jogsado Waa Xubno Xukuumada u Shaqeeya amase Ah Weriyaal Ay isku Hayb Kasoo Jeedaan Xuuto Kuwaasi oo Kala Ah Yoonis Cali Nuur,Faysal Fadhfadhle,Wayab iyo Qaar Kaloo Badan.

Maalintii Xuuto Loo Doortay Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxay Saxaafadda Somaliland u ahayd Maalin Madow, oo ay godku dhacday Xoriyaddii intii yareyd ee u bidhiiqeysay Warbaahinta Madaxa-banaan ee Dalka, Waloow Aanay Teginba Shirkaas Inta Badan Ragii Ugu Miisaanka Cuslaa Warbaahinta Waxaase La wada Ogaa inay Kulankaas Ka qaybgaleen Qabaxlayaal u shaqeeya Telefishano iyo Xubno Loo Yaqaano Kamarad Ku Macaash Kuwaasi oo Aan Ilaa Intii ay Saxaaafada ku Jireen Wax Ay kusoo Kordhiyeen Jirin

Madashii Afgenbiga Xalaashii SOLJA Waxaa ka qabsoomay shir ay soo abaabushay Xukuumadda uu Hoggaamiyo Madaxweyne Siilaanyo, kana soo qayb-galeen Wariyaasha Warbaahinta Dawladda oo dhan kuwaasoo biixiyey Xubnaha Ergooyinka intoodi badnayd, waxa aan Madasha ka maqneyn Warbaahin Maqaar-saar ah oo Dawladdu leedahay, oo iyana qaybka ahaa kasoo qayb-galayaasha Shirkii lagu inqilaabay Solja-dii hore.

Geesta kale, waxaan shirka kasoo qayb-gelin Xubnihii hore ee Ururka Solja hoggaaminaayey, sida Xoghayihii hore iyo Guddoomiye ku-xigeenka iyo weliba Xubnihii Guddida fulinta ahaa waqtigaas. Shirkaas waxa la sheegay in lagu doortay Xubno Hoggaamin doona Ururka Solja, hase-yeeshe Rimood lagu hago, oo isku halleeyn badan ay ka qabtay Xukuumadda tallada haysa in aanay farahooda ka bixin, maadaama oo ay waqtigaas Saxaafadda dalka inteeda badneyd Xadhig iyo xayiraad kusoo rogtay Xukuumaddu, arrintaa oo hoggaankii hore ee Solja geed dheer iyo mid gaaban-ba u fuulay sidii culeyska looga dul-qaadi lahaa Saxaafiyiinta iyo Hay’daha Warbaahineed ee Xayirnaa, dedaalka iyo kartidaasna waxa iska lahaa Xoghayihii hore Rabbi ha u naxariistee Maxamed-rashiid Muxumed Faarax.

Lasoco Qaybta Labaad

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews