gabileymedia.com
Xog Cusub-Yaa Ka Danbeeyey Weerarkii Lagu Qaaday Caruurta Iyo Xaaska Xasan Cabdi Cawad,Wakiilka Shirkada SOMTEL ee Koonfurta Soomaaliya +Ragii Dilka Gaystay Oo Kasoo Jeeda Beesha Duduble ee Ina Jimcaale Mulkiilaha Shirkada HORMUUD
August 16, 2017 - Written by media news

Xog Cusub-Yaa Ka Danbeeyey Weerarkii Lagu Qaaday Caruurta Iyo Xaaska Xasan Cabdi Cawad,Wakiilka Shirkada SOMTEL ee Koonfurta Soomaaliya +Ragii Dilka Gaystay Oo Kasoo Jeeda Beesha Duduble ee Ina Jimcaale Mulkiilaha Shirkada HORMUUD

) Kadib Markii Maalintii Shalay Lagu Toogtay Badhtamaha Suuqa Magaalada Muqdisho gaadhi ay saarnaayeen Caruurta Iyo Xaaska Wakiilka Shirkadaha Is Huwan ee Dahabshiil iyo Somtel Xasan Cabdi Cawad

Darawalkii Gaadhiga Ayaa halkaasi ku geeriyooday Sidoo kalena  Caruur uu Dhalay MAsuulkani ayaa dhaawacyo Halis ahi kasoo gaadheen Waxaana Arintani Timi kadib markii xasan cabdi Cawad Maalmo ka hor uun uu Qoyskiisa u Wareejiyay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Somaliya.

Weerarkan oo Ahaa mid qorshaysan Markii horena Loogu talo Galay in  Khasaaruhu Intan ka Bato ayaa la Xaqiijinayaa inuu Salka Ku Hayo Tartan Ganacsi oo Ka Bilaabmay Muqdisho kaasi oo Mulkiilaha Shirkada isgaadhsiinta HORMUUD Soomaaliya  Axmed Nuur Jimcaale uu kaga Cadhooday Xawliga ay ku socoto Shirkada SOMTEL oo iminka uun Deegaamadaasi gaadhay,

Kooxda Dablayda Falkaasi Fulisay ayaa kasoo Jeeda Beesha Duduble ee uu Kasoo Jeedo Ina Jimcaale Waxaana Arintani Salka ku Haysaa Siyaasad Ganacsi,Maadaama Xasan Cabdi Cawad lagu bedelay Xubno hore ula shaqaysan jiray Shirkada Hormuud oo ku Sugnaa muqdisho isla sidoo kalena Wakiil Rasmi ah u ahaa Shirkadaha Somtel Iyo Dahabshiil

Axmed Nuur Jimcaale Sidoo kale wuxuu Leeyahay shirkada isgaadhsiinta ee TELESOM wuxuuna Ujeedkiisu Yahay inuu Somaliland Kula tartamo Shirkada SOMTEL isla markaana Kagaba Sareeyo sida Muuqata balse aan haba Yaraatee Koonfurta Somaliya Lagula Tartamin Ganacsigiisa maadaama ay tahay deegaankiisii uu dhalasho ahaan kasoo jeeday

Siyaasada ganacsi ee Mulkiilaha Shirkadaha Sigaadhsiinta HORMUUD,GOLIS iyo TELESOM Axmed Nuur Jimcaale ayaa Saami ganacsigiisa ka siiyay Wakiilada Shirkada Dahabshiil iyo Somtel ee Muqdishi si ay u Naafeeyaan Tartanka una Wiiqaan Awooda Shirkadaasi ay ku yeelan karto Deegaamada Koonfurta Somaliya

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews