gabileymedia.com
Ku-simaha Madaxweynaha iyo Wefti uu Hoggaaminayo oo Si Ballaadhan loogu Soo Dhaweeyey Magaalada Boorama
September 3, 2017 - Written by media news

borama (GM) Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, ahna ku-simaha madaxweynaha Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal oo ay hawlo shaqo u tageen. Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, ahna ku-simaha madaxweynaha Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal oo ay hawlo shaqo u tageen.
Ku-simaha madaxweynaha iyo weftigiisa oo ay xubno ka yihiin guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada Md. Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, wasiirrada wasaaradaha xidhiidhka goleyaasha, Md. Axmed Xaaji Daahir Cilmi, Boosaha iyo Is-gaadhsiinta Mustafe Faarax Abraar, wasiiru-dawlaha wasaaradda Khayraadka Biyaha Md. Cabdiqaadir Maxamuud Sheekh (Dhegoweyne), xildhibaanno, siyaasiyiin, haween iyo saraakiil xisbiga katirsan, ayaa waxa dhinaca bari ee magaalada kaga hor tegay kumanaan kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Boorama oo ay hoggaaminayaan maamulka heer gobol iyo heer degmo ee magaalada iyo madaxda dhaqanku, kuwaas oo lulayey caleemo qoyan, astaanta xisbiga KULMIYE iyo weliba tabbeelooyin sawirrada murrashaxiinta xisbiga iyo guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee golaha wakiillada si farshaxannimo leh loogu sharraxay, waxana ay muujiyeen inay taaageero buuxda u hayaan xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisa Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).
Sidoo kale waxa ay weftiga uu hoggaaminayo ku-simaha madaxweynuhu gelibinayeen guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada Md. Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo kasoo jeeda xisbiga KULMIYE, isla markaana dhawaan ku guulaystay kursigaas, waxana ay taageerayaashu soo dhaweyntan isugu soo baxay muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin guusha xildhibaan Axmed Yaasiin oo uu door laxaad leh ku lahaa xisbiga KULMIYE.
Taageerayaasha soo dhaweynta ku-simaha madaxweynaha iyo weftigiisa ka qayb qaatay iyo boqolaal gaadiid ah oo ay wataan, ayaa weftiga u gelbiyey dhinaca khayriyada magaalada, waxana ay buux dhaafiyeen barxadda hore ee khayradda, waxana halkaas kala hadlay xubno kamid ah wefiga oo si weyn uga mahadceliyey soo dhaweyntooda.
Ugu horrayn maamulka gobolka Awdal ee xisbiga iyo xukuumadda oo ugu horrayn halkaas ka hadlay, ayaa shacabka reer Boorama uga mahadnaqay soo dhaweyn aan loo kala hadhin ee ay wefiga ku qaabileen, waxana ay ku dhiirrigeliyeen inay codkooda si buuxda u siiyaan marka la gaadho waqtiga doorashada.
Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal oo kamid ah madax-dhaqameedka waaweyn ee gobolka Awdal oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa shacabka reer Awdal uga mahadceliyey soo

Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, ahna ku-simaha madaxweynaha Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal oo ay hawlo shaqo u tageen.

Img Description

Img Description

Img Description

Img Description

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews