gabileymedia.com
DIINTU DAAWO MA TAHAY?
September 13, 2017 - Written by media

Diintu Dawo ma Tahay?

Laga yaabaa weydiintan in aad igu diido. Laga yaabaa in aad jidhka is gelisay su’ aashu sida ay u taallo darteed. Laga yaabaa in aad tidhi Qur’aanku weedha xanuun iyo dawo (shifaa)  labaatan jeer in ka badan ayuu xusay. Laga yaabaa in aad waxaan soo wado sugi kari la’dahay qoraalkan aad hadda akhriyeysana dhibsatay. Inta aanan ku daalin bal weydiimaha aan sii yara badiyo. Diintu dawo ma leedahay? Xanuunadee ayaa lagu daweeyaa? Yaa ku daweeya? Yaa ku dawooba? Qaabkee loogu daweeyaa? Dad lagu daweeyey oo ku dawoobay  ma jiraan?

Waxaa soo weydiima ahi waxa ay ka dhax guuxaysaa qalbiyada dad badan. Nasiib wanaag waxa dhooban goob walba dhiganeyaal amma kutub warcelin waafi ah innaga siinaysa  weydiimahaa. Culimada Islaamku Carab iyo Cajamba waxay kaga warceliyeen weydiin walba maqaallo kumannaan dhaafaya iyo kutub boqollaal kor  maray. Waa badoo ka bixi maynee, bal aan in yar ka war bixinno, kuna koobnaanno  labada weydiimood ee hore (diintu dawo ma tahay? Iyo xanuunadee ayaa lagu daweeyaa?).

 

 

 

 

Inta aynaan cid kale wax weydiin, warbixinna ka doonin, bal aan eegno Alle sarreeya waxa uu ka yidhi weydiimahaa.

  1. “ Waxa Qur’aanka aan soo dajinay xaggiisa ka ahaaday daawayn iyo naxariis dadka mu’miniinta ah.” Isra, 17:82

 

  1. “ Waxa idiin timid waano iyo dawo waxa qalbiyada ku jira, taasoo ka timid xagga Rabbigiina.” Yuunis, 8:57

 

  1. “ Ku dheh ku wii Alle rumeeyey Qur’aanku waxa uu idiin yahay hanuun iyo dawo.” Fusilat, 4 1:44

 

Aayadahan iyo qaar kale oo aynaan soo qaadan oo dhammaantood isku macno dhadhaw waxa ay inna tusinayaan in Qur’aanku dawo yahay.

Innaga oon fogaanba waxa halkaa innooga soo baxay jawaabta Qur’aanku dawo ma yahay amma haddii aan si kale u dhigno Diintu dawo ma tahay.

 

Inyar aan dul istaagno sharraxaadda amma tafsiirka  aayadahan, qooraansannana waxa ay culimada qaar ka yidhaahdeen.

 

Aayadda 82 ee suuratul Isra imaamu Qurdubi marka uu macnaynayo waxa uu yidhi:

اخْتَلَفَ الْعُلَمَاءُ فِي كَوْنِهِ شِفَاءً عَلَى قَوْلَيْنِ:

أَحَدُهُمَا: أَنَّهُ شِفَاءٌ لِلْقُلُوبِ بِزَوَالِ الْجَهْلِ عَنْهَا وَإِزَالَةِ الرَّيْبِ، وَلِكَشْفِ غِطَاءِ الْقَلْبِ مِنْ مَرَضِ الْجَهْلِ لِفَهْمِ الْمُعْجِزَاتِ وَالْأُمُورِ الدَّالَّةِ عَلَى اللَّهِ تَعَالَى.

. الثَّانِي: شِفَاءٌ مِنَ الْأَمْرَاضِ الظَّاهِرَةِ بِالرُّقَى وَالتَّعَوُّذِ وَنَحْوِه

الجامع لأحكام القرآن : تفسير القرطبز

“Culimadu wey isku khilaafeen daaweynta Qur’aanka, laba hadal ayaana ku jira.

Hadalka hore: Quraanku waxa uu dawo u yahay qalbiyada isaga oo ka nadiifinaya mugdiga ( jaahlinimada) meeshana ka saaraya shakiga.  Waxa uu qalbiga ka faydaa aqoon darrida isaga oo tusinaya mucjisooyinka iyo arrimaha caddaynaya Alle.

Hadalka labaad: Qur’aanku waxa uu daweeyee cudurrada ku dhaca jidhka marka lagu tufo qofka xanuunsanaya Allena magan gelyo lagu weydiisto.”

 

Aan soo qaadanno Maxamed Al Shinqiidi  waxa uu ka yidhi isla aayaddaa.

. يَشْمَلُ كَوْنَهُ شِفَاءً لِلْقَلْبِ مِنْ أَمْرَاضِهِ ; كَالشَّكِّ وَالنِّفَاقِ وَغَيْرِ ذَلِكَ، وَكَوْنَهُ شِفَاءً لِلْأَجْسَامِ إِذَا رُقِيَ عَلَيْهَا بِهِ

أضواء البيان في إيضاح القرآن بالقرآن: الشنقيطيمحمد

Waxa ay koobsanaysaa daawada cudurrada ku dhaca qalbiga sida faydidda munaafaqnimada iyo wixii la mid ah. Sidoo kale waxa ay daawo u tahay jidh ka haddii la Qur’aan saaro.”

 

Labada sheekhba waxa ay caddayn u haystaan in Qur’aanku daawo u yahay xanuunada jidhka ku dhaca xadiiskan:

عن أَبِي سَعِيدٍ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ قَالَ انْطَلَقَ نَفَرٌ مِنْ أَصْحَابِ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فِي سَفْرَةٍ سَافَرُوهَا حَتَّى نَزَلُوا عَلَى حَيٍّ مِنْ أَحْيَاءِ الْعَرَبِ  فَاسْتَضَافُوهُمْ فَأَبَوْا أَنْ يُضَيِّفُوهُمْ فَلُدِغَ سَيِّدُ ذَلِكَ الْحَيِّ فَسَعَوْا لَهُ بِكُلِّ شَيْءٍ لا يَنْفَعُهُ شَيْءٌ فَقَالَ بَعْضُهُمْ لَوْ أَتَيْتُمْ هَؤُلاءِ الرَّهْطَ الَّذِينَ نَزَلُوا لَعَلَّهُ أَنْ يَكُونَ عِنْدَ بَعْضِهِمْ شَيْءٌ فَأَتَوْهُمْ فَقَالُوا يَا أَيُّهَا الرَّهْطُ إِنَّ سَيِّدَنَا لُدِغَ وَسَعَيْنَا لَهُ بِكُلِّ شَيْءٍ لا يَنْفَعُهُ فَهَلْ عِنْدَ أَحَدٍ مِنْكُمْ مِنْ شَيْءٍ فَقَالَ بَعْضُهُمْ نَعَمْ وَاللَّهِ إِنِّي لَأَرْقِي وَلَكِنْ وَاللَّهِ لَقَدْ اسْتَضَفْنَاكُمْ فَلَمْ تُضَيِّفُونَا فَمَا أَنَا بِرَاقٍ لَكُمْ حَتَّى تَجْعَلُوا لَنَا جُعْلًا فَصَالَحُوهُمْ عَلَى قَطِيعٍ مِنْ الْغَنَمِ فَانْطَلَقَ يَتْفِلُ عَلَيْهِ وَيَقْرَأُ الْحَمْدُ لِلَّهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ فَكَأَنَّمَا نُشِطَ مِنْ عِقَالٍ فَانْطَلَقَ يَمْشِي وَمَا بِهِ قَلَبَةٌ قَالَ فَأَوْفَوْهُمْ جُعْلَهُمْ الَّذِي صَالَحُوهُمْ عَلَيْهِ فَقَالَ بَعْضُهُمْ اقْسِمُوا فَقَالَ الَّذِي رَقَى لا تَفْعَلُوا حَتَّى نَأْتِيَ النَّبِيَّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فَنَذْكُرَ لَهُ الَّذِي كَانَ فَنَنْظُرَ مَا يَأْمُرُنَا فَقَدِمُوا عَلَى رَسُولِ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فَذَكَرُوا لَهُ فَقَالَ وَمَا يُدْرِيكَ أَنَّهَا رُقْيَةٌ ثُمَّ قَالَ قَدْ أَصَبْتُمْ اقْسِمُوا وَاضْرِبُوا لِي مَعَكُمْ سَهْمًا فَضَحِكَ

(2201) رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ . رواه البخاري ( 2276 ) ومسلم

 

“Abii Saciid Alkhudri Alle raali ha ka ahaadee wuxu yidhi, waxa u baxay safar koox ka tirsan asxaabtii Nebiga NNKH illaa ay soo degeen xaafad ka mid ah xaafadihii Carabta. Marti gelin ayey weydiisteen laakiin wey diideen in ay  marti geliyaan. Kadib, odaygii xaafadda ayey abeeso qaniintay. Wax walba oo ay ku daweyn karayeen wey sameeyeen, laakiin kumay guulaysan. Badhka ka mid ah ayaa yidhi,  haddii aad u tagtaan kooxdaa halkaa soo degtay ( waa asxaabtiiye) waxa laga yaabaa in aad badhkood ka soo heshaan wax dawo noqda. Wey u tageen. Waxay ku yidheen ragoow, odaygii xaafadda ayaa la qaniinay. Wax walba waan samaynay, laakiin waxb u may  tarin. Midkiin ma hayaa wax dawo noqda?  Badh ka mid ah asxaabtii ayaa yidhi, Alle ayaan ku dhaarannee waan haynaa.  Laakiin Alle ayaan ku dhaarannee marti gelin ayaan idin  weydiisannay oo waad diideen in aad na marti gelisaan. Idiin Qur’aan saari mayno illaayood noo samaysaan mushqaayad mooyaane. Wey wanaajiyeen oo waxay u sheegeen in ay siin doonaan goosan adhi ah. Wuu tegay ( waa asxaabigiiye) wuxu ku tufay kuna akhriyey Faatixada. Waxaabad moodda in dabar laga furay ( waa odaygii abeesadu qaniintay ee Qur’aanka lagu akhriyaye). Asxaabigii wuu iska tegay isaga oo wax qalbiga ku haya. Dadkii xaafadda ee  odayga Qur’aanka loogu akhriyey ayaa yidhi, u oofiya mushqaayaddii aad kula heshiiseen. Wey siiyeen. Asxaabtii badh ka mid ah ayaa yidhi innoo qaybiya adhiga. Asxaabigii odayga soo Qur’aan saaray ayaa yidhi, ha samaynina ( ha qaybinnina) illaa yoon Nebigii  NNKH ula tagno oo aan uga warranno, oo aan aragno waxa uu inna amro mooyaane. Nebiga NNKH ayey u tageen. Wey uga warrameen.  Wuxu ku yidhi, maxaad ka taqaannaan, waa ruqiya e! Ka dibna waxa uu ku yidhi, waad garateen ama waad la hesheen. Qaybiya oo anigana igu dara intuu Nebigu NNKH yara qolay. ”

 

Halkaa maxaa innooga soo baxay? Waxa innooga soo baxay:

  1. In Qur’aanku dawo yahay sida aan aayadihii horena ku soo aragnay.
  2. In Qur’aanka ama Diintu keliya ayna daweyn xanuunada qalbiga ku dhaca sida munaafaqnimada iyo shakiga, laakiin ay daweyso xanuunada kale sida qaniinyada.

Sidoo kale waxa jira axaadiis kutub dhowr ah ku timid daraja ahaanna xasan ah oo iyana sheegaysa qaniinyada hangarallaha/daba qalooca/geel kaga cabaadista in Nebigu NNKH ku daweeyey suuradaha Qulhuwallaha,  iyo mucawadateenka ( Qulacuudu birabbinaas, Qulacuudu birabbil falaq).

 

Dhinac kale haddii aan eegno waxa jira axaadiis kale oo isku macno dhow oo odhanaysa Qur’aanku dawo uma aha illaa isha iyo xumadda mooyaane. Kan aan tusaale u soo qaadanno.

”. لا رقية إلا من عين أو حمةعن عمران بن حصين عن النبي صلى الله عليه وسلم قال 

(2057) الترمذي(3884) رواه و أبو داود

(4557)   صححه  الالبانى المشكاة

 

In yar aan ku nasanno sida ay xadiiskan iyo kuwii ka horreeyey culimadu isku saareen ama ay isku waafajiyeen.

قال الشيخ عبد المحسن العباد حفظه الله :ليس المقصود من قوله: (لا رقية إلا من عين أو حمة) أن الرقية مقصورة على العين والحمة، بل تكون فيها وفي غيرها، ولكن هذا فيه الإشارة إلى أن الرقية لهذين الشيئين -وهما ما يتعلق بالعين والحمة- أولى وأنفع، لا أن الرقية لا تجوز في غير ذلك، فقد رقى الرسول صلى الله عليه وسلم من بعض الأوجاع التي حصلت لأصحابه رضي الله تعالى عنهم وأرضاهم من غير العين والحمة .إ ذاً: فهذا الحديث من الحصر النسبي وليس نفياً عاماً.

شرح سنن أبي داود (437/16)

Sheekhan oo ay la qabaan culima kale oo badani, haddii aan si guud hadalkiisa u soo koobno waxay noqonaysaa in aanay Qur’aan saarka amma ruqiyadu ku koobnayn isha iyo xumadda, laakiin isha iyo xumadddu ay tahay ta ugu haboob ee lagu daweyn karo.

Halkaasna waxa innooga soo baxay in Qur’aanka iyo Diintaba lagu daweyn karo dhammaan noocyada xanuunada Aadmaha asiiba, laakiin si gaar loogu adeegsan karo isha iyo wixii la mid ah.

 

 

 

Cabdixakiim Maxamuud Maxamed (Ubaxle)

ubaxlemaxamed@gmail.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews