gabileymedia.com
Sababta Saxda Ah Ee Uu Tababare Antonio Conte Ilaa Hadda Kaga Cadheysan Yahay Maamulka Kooxdiisa Chelsea Oo La Ogaaday.
October 7, 2017 - Written by media news

Tan iyo hortaankii xili ciyaareedkan waxaa jiray warar sheegayay in Antonio Conte uu ka cadhaysan yahay maamulka kooxdiisa Blues iyada oo waliba ay jireen waqtiyo la sheegay in uu iskaga baxayo Stamford Bridge laakiin ugu danbayn macalinka ree Talyaani ayaa saxiixay heshiis cusub oo mushaarkiisa horumarin lagu sameeyay inkasta oo aanu wax muddo ah kordhin.

Tababaraha kooxda Chelsea Antonio Conte ayaa la shaaciyay inuu kaga xumaaday maamulka kooxda Blues sida ay wada hadalada ula furteen dhigooda Swansea City, si ay kagala soo saxiixdaan dhaliyaha ree Spain ee Fernando Llorente.

Wargeyska The Times ayaa wuxuu daboolka ka qaaday in kooxda Chelsea ay u soo bandhigtay dhigeeda Swansea City aduun dhan 5 milyan oo ginni oo ay kula soo saxiixaneyso Llorente, taasoo kayar kala bar lacagta uu Fernando Llorente ugu dhaqaaqay kooxda Tottenham Hotspur. Heshiiska uu haatan kaga mid noqday ayaa wuxuu ku kacay aduun dhan £ 11.5 milyan.

Macalinka ree talyaani ee Conte ayaa ka codsaday maamulka kooxda ree London inay la soo saxiixdaan Fernando Llorente si uu ugu noqdo badalka Diego Costa oo ku biiray horyaalka La Liga, laakiin maamulka Blues ayaa ku guuldareestay inay dhameystitaan heshiiska, kadib markii ay kaliya ka gudbiyeen saxiixiisa aduun dhan 5 milyan ginni, sidaasi darteed gooldhaliyahii hore Swansea ayaa wuxuu ku biiray kooxda Spurs.

Si kastaba Antonio Conte ayaa xili hore wuxuu ka dhawaajiyay: “Waxaan dareemayaa inaan u xiisayo dalkeyga hooyo ee Italy sidaas darteed ma filayo inaan kusii nagaan doono waqtiyo badan dalka England, xili fog ama xili dhawba waxaan markale dib ugu laaban doonaa horyaalka Serie A”.

Macalinka ree talyaani ayaa hadalkiisa intaa sii raaciyay: “waxaan ka dhaxlay ka shaqeynta horyaalka Premier League-ga qibrad wanaagsan, kadib marka uu soo idlaado mashruucan in badan masii joogi doono halkan, waxaana go’aansan doonaa inaan markale dib ugu laabto horyaalka Calcio”.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews